Home | General | Cunaqabatayntii Lagu Soo Rogay Mucaaradka Oo Dhaqan Gashay

Cunaqabatayntii Lagu Soo Rogay Mucaaradka Oo Dhaqan Gashay

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Waxaa maanta Somaliya ka dhaqan galay cunaqabatayntii lagu soo rogay garoomada iyo dekadaha ku yaala dhulka ay gacanta ku hayaan mucaaradka hubaysan ee kasoo hor jeeda dowladda. Cunaqabatayntan ayaa markii ugu horaysay ka dhaqan gashay garoonka No 50 oo diyaaradihii Jaadka ee kasoo dagi jiray ay wareegeen garoonka Jaziira oo ay gacanta ku hayaan taageerayaasha dowladda midnimo qaran. Waxana la filayaa inay xirmaan dekadda iyo garoonka Kismaayo.

Dhanka kale, mucaaradka hubaysan ayaa ku hanjabay inay iyaguna xirayaan garoonka iyo dekadda Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, waxana laga cabsi qabaa inay hoobiyayaal ku garaacaan agagaarka goobahaas oo dadweyne fara badan ay degen yihiin. Sanadkii hore ayay ahayd markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xireen garoonka Muqdisho, waxayse kala kulmeen mucaarado iyo naceyb fara badan oo ay u qaadeen shacabka Muqdisho taasoo markii dambe ku qasabtay inay ka laabtaan go'aankii ay ku xireen.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
4.00
Powered by Vivvo CMS v4.0