Nicolas Bwakira: "Soomalidu Waxay Dagaal Kula Jirtaa Mad-habta Wahaabiyada:
Kadib markii looga guulaystay dowladda midnimo qaran tartanka dhanka warbaahinta iyo dacaayadda aya waxa soo baxaya warar sheegaya in maamulka AMISOM ee uu wakiilka u yahay Nicolas Bwakira ay qorshaynayaan inay shaqaalaysiiyaan warirayaal Soomali ah oo baahiya wararka lagu difaacayo dowladda midnimo Qaran. Bwakira oo waraysi siiyay shabakadda The Christian Science Monitor ayaa sheegay inay been tahay wararka sheegaya in dowladda aysan waxba faro ugu jirin, wuxuna sheegay inuu ka hortagi doono dacaayadaas.
Bwakira wuxu sheegay inay kicinayaan Raadiyo Muqdisho ayna u adeegsan doonaan inay Soomalida u sheegaan xaqiiqada jirta oo ah in Somalidu ay dagaal kula jiraan mad-habka "Wahaabiyada" waa sida uu hadalka u dhigaye. Qorshahan oo loogu magac daray ololaha baraarijinta dadweynaha ayaa hir gali doona dhawaan, waxana hada socda qoritaanka wariyayaal xirfad leh oo dhawaan loo bilaabi doono mushaar.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment