Home | General | Odayaasha Dhaqanka Oo Ka Digay In Dalku Gacanta Ka Bixi Doono.

Odayaasha Dhaqanka Oo Ka Digay In Dalku Gacanta Ka Bixi Doono.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa soo jeediyay talo iyo digniin isla socda, waxayna u sheegeen kooxaha dagaalka wada inay ka fakaraan mustaqbalka dalka iyo diinta, waxayna xasuusiyeen kooxahaas in Soomalidu ay tahay Muslimiin 100% waxa la isku haystana ay tahay hogaaminta kursiga madaxtinimada dalka.

Odayaashu waxay ka digeen in dalku uu ku jiro qatar ayna dhici karto inuu faraha Soomalida ka baxo oo ciidamo shisheeye ay dib u qabsadaan dalka mar kale haddii aan lagu heshiin jagooyinka hada la haysto.

Odayaasha ayaa u muuqda kuwo dareemay shirqoolada shisheeye ee dalka ka dhex socda, waxana jira diyaar garow ciidamo shisheeye oo ay qayb ka noqon doonaan wadamada Kenya iyo Itoobiya kuna soo gali doona dalka magaca UN-ka. Ciidamadaas ayaa waxa hor kici doona maleeshiyaad Soomali ah oo hada lagu tababarayo gobolada Gedo, Hiiraan iyo Galgaduud, waxana la qorshaynayaa in duulaan balaaran laga soo qaado goboladaas, iyadoo duulaan lagu yahay markaan mucaaradka dowladda ee wata magacyada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam. Shacabka Soomaliyeed ayaa waxay u badan yihiin inay markaan soo dhawayn doonaan ciidamadaas shisheeye maadaama ay ka quusteen rajadii ugu dambaysay xalka dalka oo ay aamin sanaayeen markii hore in culumadu ay u keeni doonaan xal u dhaama kii hogaamiye kooxeedyada.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0