Home | General | Saraakiisha Al-Shabaab Oo U Digay Shacabka Bay iyo Bakool.

Saraakiisha Al-Shabaab Oo U Digay Shacabka Bay iyo Bakool.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Saraakiisha ururka Al-Shabaab ee gacanta ku haya gobolada Bay iyo Bakool ayaa u digay dadwayna gobolkaas inay ka digtoonaadaan inay soo dhaweeyaan ciidamada la sheegay inay kasoo socdaan dhanka Ceel-Barde, ciidamadaas oo isugu jira kuwo Soomali ah oo degaanka u dhashay iyo Itoobiyaan.

Saraakiishu waxay u sheegeen dadweynaha in cidi lagu tuhmo inay wada shaqayn la leeyihiin ciidankaas amaba ku farxa qoorta laga goyn doono. Ciidamada Al-Shabaab ayaa isku diyaarinaya dagaal ay kala hortagaan ciidamadaas la sheegay inay kusoo socdaan magaalada Baydhabo si halkaas looga saaro xoogaga Al-Shabaab. Waa markii ugu horaysay oo digniin noocaan oo kale ah ay bixiyaan Al-Shabaab inkastoo looga bartay inay dilaan cid walba oo ay ku tuhmaan inay wada shaqayn la leedahay dhinaca iyaga kasoo hor jeeda.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
1.14
Powered by Vivvo CMS v4.0