Links
Somali Radio
Sections
Shirka Liibiya Oo Lagu Ansixinayo Ciidamo Soomaliya La Keeno.
Shirka AU uga socda magaalada Sirta ee dalka Liibiya ayaa lagu lafagurayaa qorshihii ciidamo Afrikaan ah lagu gayn lahaa Soomaliya si loo badbaadiyo dowladda taagta daran ee uu hogaamiyo madaxweyne Sh. Shariif. Ciidamadan oo mar hore lagu diyaariyay dalka Jabuuti ayaa sharciyayntooda laga sugayaa Midowga Afrika, waxana ay taageero dhaqaale ka haystaan markan wadamada Carabta, Yurub iyo Maraykan.
Waxa la filayaa marka uu dhamaado shirkan in la keeno Soomaliya ciidamo tababar uu ugu dhamaaday dalka Jabuuti oo uu hor kacayo janaraal Jabuutiyaan ah. Shirka Liibiya ayaa waxa Somaliya uga qayb galaya madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo, isagoo kasoo dhoofay Muqdisho maalin ka hor xuska xornimada Soomaliya ee 1da Luulyo
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment