Home | General | Dowlada Kenya Oo Isha Ku Heysa Ardayda Gobolada Soomaalida

Dowlada Kenya Oo Isha Ku Heysa Ardayda Gobolada Soomaalida

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta dalkaasi ay wel wel ka qabaan qorshayaal si xowli ah ah uga socda degaanada waqooyi bari ee daklaasi gaar ahaan magaalooyinka Gaarisa, Wajeer  iyo Mandheera, kuwaasoo ku aadan  goobaha waxbarashada degaanadaasi oo laga bilaabay barnaamijyo lagu wacyi gelinaayo aradada iney ka qeyb qaataan  dagaalada ka socda Soomaaliya.Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed oo xubin  ka ah Baarlaamanka Kenya ayaa sheegay in Xukuumada ay heshay xogo ku saabsan in qeybo ka mid ah dugsiyada Gobolka Waqooyi bari ay dhex gal ku sameeyeen Horjoogayaasha maleeshiyaadka Shababka & kuwa Raskambooni, waxeyna ardada ku dhiiri geliyeen iney ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Jubooyinka barto iyo goobaha kale ee wax barashada inay dadka uga sheekeeyaan dagaalada Somalia ka socda ee u dhaxeeya xoogaga Islamiyiinta ah iyo DFKMGS oo taageero Millitery ka hesha c iidamada nabad illaalinta ah ee AMISOM. "Ma dooneyno in caruurteena ay ka qeyb qaataan dagaalada Somalia ka jira waana in la sameeyaa sidii looga hor tagi karo" ayuu yiri C / qaadir Max'ed oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya. Sidoo kale sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Kenya Jen, Jeremiah Kianga ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in saraakiisha Al-shabab ka tirsan ee ku sugan gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ay doonayan inay dhalinyarada Somaliyeed ee wax ka barata dugsiyada gobolka ka dagaal galiyaan gudaha Somalia, waxaana uu intaa ku daray in ciidamadooda si taxadar le hula socdaan hawlaha gudaha Somalia ka socda. Hadalkan kasoo baxay dawlada Kenya ayaa ku soo beegmaya la sheego in dhalin yaro Somalied oo wax ka baran jirtay dalka dibbadiisa ay haatan ka garab dagaalamaan xoogaga hubeysan ee DKMGS kasoo horjeeda gaar ahaan Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin  

 

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0