Home | General | Dowlada Spain & Somaliya Oo Wada Hadlay

Dowlada Spain & Somaliya Oo Wada Hadlay

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Dowlada Spain ayaa sheegtay inay samayn doonto amaba ayqaadi doonto talaabo walba oo ay u aragto inay kusoo furan karto doonideeda kalluumeysi iyo shaqaalaha Saaran.

Wadahadalo Diblomaasiyadeed oo ay soo agaasimeen Sarakiisha dowlada Spain ayay yeesheen Ra'isulwasaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma,arke iyo Wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi Spain Miguel Angel Moratinos, waxaeyna ka wada haldeen sidii loo xalin karo markabka & shaqaalaha saaran ee lagu heysto xeebaha Soomaaliya iyo sidoo kale wasaaraha arimaha gudaha ee labada dal iyadoona  wadahadaladaasi ay dhaceen shalay oo arbaco ahayd.

“Dowladu way qaadi doontaa talaabo walba wax walbana waynu usamayn doonaa sidii aynu usii deyn lahayn doonideeda kalluumeysi ee Alakrana iyo muwaadiniinteena saaran waana inoo muhiim midaa”sidaana waxaa yiri Maria Teresa Fernandez de la Vega oo isagu ah Ra'iisul wasaare kuxigeenka dalka Spain isagoona intaasi raaciyey in wasaaradooda difaaca ay durbaba qaaday talaabo ay kaga jaawabayeen afduubka dooni Kalluumeysi oo dalkaasi laga leeyahay taasi oo ay kuxeraan tiro Burcad Badeed ah. Dalka Spain ayaa la sheegay in ugu yaraan 50 markab oo Kauumeysi ah ay u soo diraan xeebaha Soomaaliya waxaana ilaaliya Maraakiibta dagaalka ee Ciidamada, markabka hadda la qabtay ayaa la sheegay in shirkada iska leh ay ka joogeen xeebaha Soomaaliya 12 markab oo kaluumeysi.

Inkastoo kooxaha Burcad Badeeda ah ee qafaashay dooni Kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Spain ay kuheystaan meel aan kafogeyn biyaha degmo xeebeedka Xarardheere ee Badweynta Hindiya ayaa hadana waxaa doontaasi meel aan kafogeyn kusugan markab dagaal oo ciidamada Badda ee Spain ay leeyihiin kaasi oo lasocda dhaqdhaqaaqa doonta waxaana ay ahayd Axadii lasoo dhaafay markii ay ciidamada Badda ee dalka Spain gacanta kudhigeen 2 katirsan Burcad Badeeda Soomaalida ah kuwaasi oo ay Maxkamadi kuxukuntay Xarig Sanado ah .

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0