Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Laga Dareemay B/weyne
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo daacad u ah Dowlada oo mudooyinkaan ku sugnaa degaanka ceel gaal ayaa la sheegay iney ayaa goor dhoweyd ka dhaqaaqay degaanka, waxeyna ku wejehan yihiin gudaha magaalada, kadib markii Maleehsiyaadkii Xisbul Islaam ay isaga tageen kadib markii culeysyo lagu saaray.
Wararkaan oo ay xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan Degmada ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka yimid dhinaca xuduuda Ethiopia oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ay u ruqaansadeen dhinaca Beledweyne oo ay hadda gacanta ku hayaan xoogaga Xisbul Islaam, waxeyna mudooyinkan ku sugnaayeen degaanka Ceel gaal & kala beyr ayaa sida loo maleynayo waxay ku jiheysan yihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka, halkaasi oo dhowaan ciidamada dowlada laga saaray.
Ciidamo Ethiopian ah ayaa ku wehliya ciidamada dowlada dhaqdhaqaaqyadan ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan Beledweyne, waxaana dadka degaanka ay ku waramayaan inay arkeen gaadiid tikniko ah oo ay wataan Ethiopianka oo la socda kuwa dowlada.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay gacan ka helayaan xoogaga ururka Ahlu Sunna ee ku sugan gobolka Galgduud, iyadoo ujeedadooduna ay tahay in qabsadaan magaalada Beledweyne inkastoo ay xaalada magaalada ayaa degan tahay,
Waxay arintani ku soo beegmeysaa kadib markii talaabooyin khaldan ay ku dhaqaaqeen Xubno uu horseed ka yahay Muuse Carraale oo ku wargeliyay Sheekh C/maan Macow inuu hubka soo wareejiyo taasina ay diideen Maleeshiyaadkii, waxeyna ku bireen Ciidamada Dowalda & Kooxaha Ahlu sunnah ee ku sugan Matabaan, sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Muuse Carraale uu ka dambeyay dagaalada ka soo cusboonaaday degaanada Maxaas & Waxba una dhaxeeya beelaha Xawaadle & Murusade.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment