Xukuumada Kenya Oo Ciidamo Soomali Ah Qoraneysa
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Dowalda Kenya ay diyaarisay mashruuc balaaran oo loogu dhisaayo Ciidamo u badna Soomaali, kuwaasoo la doonaayo in lagu biiriyo howlagalada Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, si looga hortaga is-balaarinta Xoogaga islaamiyiinta hubeysan ee mucaaradka ku ah Dowlada Midnimada Qaran iyo joogitaanka Ciidamada AMISOM.
Xogtaan ayaa tilmaamaty in Gobolka Somalida-Kenya ayaa laga bilaabay qorida ciidamo, iyadoo dhalinyarada da'doodu u dhexeyso 18-25-sano lagu qorayo goobo ay degaanadaasi ka sameysay xukuumada Kenya."Wiilasha dhalinta yar waxaa loo qorayaa askar, waxaana laga wadaa howlahaas degmooyinka Wajeer, Gaarisa iyo Mandheera, si loogu diro Somalia" ayuu yiri mas'uul ka tirsan maamulka Gobolka waqooyi-bari ee Kenya.
Boqolaal dhalinyaro ah ayaa ku qulqulaya goobaha lagu qorayo ciidamada, iyadoo la sheegay in askarta mushaar ahaan loo siinayo bil walba lacag gaaraysa 44,000-Kenyan Shilling ah oo u dhiganta USD $600, iyo tababar 6-bilood ah.
"Waalidkey ayaa ii diiday inaan ka mid noqdo askartaas, waan isqoray, sababta ugu weyn ee aan isku qorayna ma ahayn inaan xiiso u qabo Somalia oo ay dagaalo ka socdaan, balse waa inaan helo bil walba mushaar 44,000 oo lacagta Kenya ah" ayuu suxufiyiin u sheegay wiil magaciisa qariyay oo ku sugan Gaarisa.
Dhalinyaradii la qoray ayaa qaarkood u sheegay saxaafada in lagu wargeliyay in markii ay tababarka dhameystaan la geyn doono Somalia, si ay uga qaybqaataan soo celinta amaanka iyo kala dambeynta dalkaas.
"In ka badan 300-dhalinyaro ah oo loo qoray ciidan ayaa laga qaaday Magaalada Gaarisa, waxaa loo qaaday xeryo tababar oo gudaha Kenya ah, dib ayayna ugu soo laabanayaan iyagoo askar ah" ayuu yiri gudoomiyaha Gaarisa Max'ud Gabow.
Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumada Kenya oo uu ka mid yahay Bogita Ongeri ayaa sheegay in askarta la qorayo ay khatar u keeni karto dalkooda, ayna dhici karto inay soo beegsadaan Islaamiyiinta Somalia sida Al-shabaab.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment