Home | General | Kismaayo oo Cabsi Xoogan Ay Soo Food saartay Wariyayaasha & Taageeryaasha Xisbul Islam

Kismaayo oo Cabsi Xoogan Ay Soo Food saartay Wariyayaasha & Taageeryaasha Xisbul Islam

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Maleeshiyaadka Shababka & kuwa beeleed taageersan ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay ugaarsi ku hayeen taageerayaasha Raskambooni & Caanoole iyo wariyayaasha ka soo jeeda beelaha taageersan xoogaga dagaalka wada Jubooyinka, waxaana la sheegay in ugu yaraan sadex suxufi oo ka howlgalay Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose ayaa halkaas isaga cararay, kadib markii ay hanjabaadyo ka heleen xafiiska warfaafinta maamulka Kismaayo ee hoostaga Al-shabaab.

Xogtaan ayaa tilmaamay in maalihii ugu dambeeyay ay socdeen ololahaani lagu ugaarsanaayo Beelaha ay ka soo jeedaan taageerayaasha raskambooni & Caanoole, waxaa qaarkood la sheegay in si bareer ah loogu dilay gudaha magaalada halka kuwo kale loogu baaqay iney siaga tagaan magaalada, sidoo kale waxey kaloo ololahaani ay saameysay wariyayaal kuwaasoo laba ka mid ahi ay u carareen maamul goboleedka Puntland, halka midka kalena uu aaday dalka Kenya, iyagoo sheegay inay heleen fariimo loogu sheegayo in la dilayo haddii ay joojin waayaan howlahooda suxufinimo.

"Maamulka Al-shabaab ayaa u hanjabay dhamaan suxufiyiinta ku sugan Kismaayo, waxaa naloo sheegay inaan tabin karin wararka xaqiiqada ah ee dagaalada ka socda Gobolka" ayuu yiri wariye ku sugan Kismaayo oo magaciisa qariyay.

Tirada wariyeyaasha ku sugan Kismaayo oo ah 12-wariye ayaa haatan waxaa lasoo gudboonaaday cabsi weyn oo dhanka nolosha ah, iyadoo sadexda wariye ee ka baxay magaalada ay noqonayaa kuwii ugu horeeyay oo talaabadan qaada.

Wariyeyaasha ka baxay Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah: Maxamed Barre iyo C/nuur C/llaahi C/lle oo labaduba sheegay inay u baqooleen Gobolada Puntland oo ay ka soo jeedaan si ay howlahooda suxufinimo u sii wataan, ugana nabadgalaan hanjabaada Al-shabaab.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay uga cararay dhowr suxufi, kadib markii la toogtay ilaa laba wariye xili ay ku jireen howl maalmeedkooda shaqo, waxaana maamulka Al-shabaab uu wariyeyaasha ugu goodiyay inuu toogan doono.

"Haddii aad isku daydo inaad tabiso wararka xaqiiqada ah ee dagaalada Kismaayo, sida inaad war kasoo qaado Xisbul Islam waa khatar aad ku wayn karto naftaada" ayuu yiri wariye ka mid ah kuwii ka baxay Kismaayo.

Ururka Al-shabaab ayaa hanjabaadyo kala duwan iyo gaca jugleyn ku haya suxufiyiinta ka howlgala Somalia, iyadoo agaasimayaashii Idaacadaha Hornafrik iyo Shabelle oo Muqdisho ku yaalla lagu toogtay suuqa weyn ee Bakaaraha sanadkan, taasoo keentay in wariyeyaal badan ay ka cararaan dalka, kuwo kalena ay joojiyaan howlahooda.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
5.00
Powered by Vivvo CMS v4.0