Shababka Oo Duulaan Ku Qaaday Fariisimada Xisbul Islam
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shababka ay qaadeen duulaan balaaran oo ay ku ekeysiiyeen aagagii maalmahaan dagaalada ka scoday, iyadoo la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna xoogiisa ka socdaa inta u dhaxeysa Janaay Cabdalla & Canjeel gaar ahaa degaanka Sooyo, dagaalkan aya amuuqda mid ka baaxad weyn kuwii dhacaayay maalhii ugu dambeeyay.
Wararka ayaa sheegaya in Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Shababka ay qaadeen weerarkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan iney dhamaan burburyaan awoodaha Horjoogayaasha Raskambooni & kuwa Caanoole uuna hormuudka ka yahay Axmed Madoobe, Dagaaladaani ayaa baryahan si taxana ah uga socday deegaanada Jubooyinka ayna dhaxeeyay labada urur ee Xisbul islaam iyo Al-shabab, waxaana kala gaaray khasaarooyin aad u balaaran oo isugu jira dhimasho & dhaawacyo, Maantay duhurkii ayuu dagaalka ka qarxay tuulada lagu magacaabo Sooyo oo 40 kilomitir u jirta magaalada Kismaayo.
Horjoogayaasha Mamulka Kismaayo ee Shababka ayaa ka soo qaaday fariisimadoodii Maleeshiyaadkii ku sugnaa magaalada, Jamaame, Jilib, Bu'aale & Gobolada Gedo, Sh/hoose, waxana amar lagu siiyay in mud laba maalmood gudahood ay ku soo af jaraan dagaalada 10 maalmood jirsadayee ka scoda duleedka Kismaayo, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in magaalada Bu'aale ay xalay saqdii dhexe ka soo talaabeen gurmad maleeshiyaad isku dhaf ah oo Shabab & kuwa Beeleedka Gedo ka yimid, wararka ayaa intaasi raacinaya in xalay qaaday laga dhaawacyadii maleeshiyaadka Shababka isbitaalada magaalada waxaana la geeyay Jamaame.
Labadan urur ayaa shalay kawada hadlay heshiisyo xabadjoojineed iyo in shareecada islaamka lagu kala baxo cidii gardaran ayaa hadana waxaad moodaa in hadaladooda iyo ficilada loo jeedo in ay kala gedisan yihiin iyagoo nabad iyo islaamnimo ku baaqaya ayaa dagaalkii dhinac kale ka wado.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment