Qaybta 18aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.
Waxaan dib ugu noqonaynaa sannadkii 1992 iyo mucaskarkii gobolka Gedo iyo dagaaladii halkaas ka dhacay. Waxan ka hormariyay dagaaladii Bari iyo Muqdisho xiligii UNISOM maadaama ay mudadoodu koobnayd. Laakin dagaalada Gedo waxay socdeen intii u dhaxaysay 1992-1997.
Sidaan horay ugu soo sheegay qoraalkeena qaybtiisii 11aad dagaalkii Kismaayo markii lagu soo jabshay ciidamadii Itixaadka waxay mucaskaro ka furteen Dhoobley iyo Balad-Xaawo, ciidamdii halkaas joogayna waxa loo raray Bari si la iskugu dayo goboladaas in Itixaadku qabsadaan. Markii lagu soo fashilmay dagaaladaas heshiis rasmi ahna uu dhex maray madaxdii Itixaadka iyo Col. C/lahi Yusuf in la xiro mucaskarka Bari iyo Sanaag oo ahaa midkii ugu waynaa Itixaadka, ayay odayaashii u dhashay gobolkaas waxay xoogooda iskugu geeyeen in la xoojiyo mucaskarka Balad-Xaawo, si uu u hirgalo heshiiska ay la galeen Col. C/lahi Yusuf oo ahaa inaysan dagaal dambe ka ridin gobolada Waqooyi Bari. Waxaana howshaas fuliyay rag ay hormuud u ahaayeen Sh. C/qadir Nuur Farax, C/lahi Cali Xaashi, C/waaxid Xaashi iyo Xuseen Cabdule Codweyn.
Waxan qoraalkeenii hore kusoo sheegnay in qayb yar oo ka mid ahayd mucaskarkii Balad-Xaawo lagu reebay halkaas intii aysan uguurin Bari. Inta uusan dhicin dagaalka Bari waxa gobolka Gedo ka dhacay dagaalkii Jan. Max’ed Siyad Bare looga saray dalka oo uu hor kacaya Jan. Caydiid oo watay mooryaantii USC. Markii USC-du ay soo gaartay Balad-Xaawo ciidamadii Itixaadka ee joogay mucaskarka Balad-Xaawo way ka bexeen magaalada waxayna dageen degmo u jirta Balad-Xaawo 11km oo la yiraahdo Malkaarey, si ay uga fogaadaan dagaalada u dhexeeya qabaa’isha Somalida. Maleeshiyaadkii Jan. Caydid oo qabsaday gobolka Gedo oo dhan ayaa daandaansi ula tagay mucaskarkii Itixaadka ee degay Malkaarey. Raggii Itixaadka ka joogay mucaskarkaas ayaa u cid dirtay wadaadadii beesha Habargidir ee kala joogay Muqdisho, Marka iyo Nairobi si ay ula hadlaan Jan. Caydiid oo uu u ceshto maleeshiyaadkiisa.
Waxa soo kala aaday gobolka Gedo wadaado aan ka xasuusto Sh. Xasan Daahir Aweys, C/fitaax Sahal Faarax, Col. Xasan Mahdi iyo C/qadir Iimaan (Rabi ha u naxariistee) oo ka yimid Muqdisho iyo Marka iyo rag ka yimid Nairobi oo kala ahaa Sh. C/qadir Cukaasha, C/qadir Qaasim Nuune, C/lahi Ciise iyo Cali Daahir Aweys (Rabi ha u naxariistee) Mucaskarkii Malkaarey waxa ka yimid rag uu hogaaminayo Macalim Max’ud oo u dhashay gobolka Gedo. Ragaan ayaa Jan. Caydid kula kulmay Balad-Xaawo waxayna u sheegeen inuu maleeshiyaadkiisa ka ceshto wadaadadaas ka fogaaday dagaalka, iyaguna ay damaanad qaadayaan in ciidanka jooga mucaskarkaas aysan soo galin dagaalka u dhexeeya isaga iyo SNF-ta. Jan. Caydid wuxu u sheegay ragaas la kulmay inuusan wadan ciidan kala dambayn yaqaana ee ay yihiin mooryaan iska yaacaysa, wuxuna u balan qaaday inuu ka ceshanayo intii karaankiisa ah iyagana wuxu fasax u siiyay inay iska difaacaan cidii kusoo xad gudubta, haddii laga awood bato wadaadadana ay fariin usoo diraan si uu ugu soo gurmado.
Muddo aan dheerayn ayaa lagu mooday heshiiskaas, mana jirin dagaal dhex maray USC iyo Itixaadka Gedo. Degmooyinka gobolka oo dhana waxa waqtigaas haystay USC. Mudo kadib Jan. Caydid wuu ka guuray Balad-Xaawo wuxuna aaday dhankaas iyo Baardhaare oo uu mudo ku hakaday intii uusan ku laaban Muqdisho oo ciidamadii Maraykanku ay soo galeen bishii Disember 1992. Wuxuna uga tagay Balad-Xaawo sarkaal la shaqayn jiray oo la yiraahdo Shabeel. Muddo yar kadib SNF way is abaabuleen waxayna weerar ku qaadeen USC-dii Balad-Xaawo si dhib yar ayayna ku qabsadeen magaalada, dagaalkaasna waxa ku dhintay ninkii Jan. Caydid uu uga tagtay Balad-Xaawo ee Shabeel ahaa.
Intaas kuma joogine SNF waxay weerar ku qaaday Luuq, waxayse kala kulantay USC-dii haysatay halkaas iska caabin xoog leh. Waqtigaas isaga ah SNF waxa ka awood badnaa Itixaadka waxayna u baahdeen awoodii ciidanka Itixaad inay ku kaalmaystaan si ay USC uga saaraan gobolka. Rag ay ku jireen Macalim Max’uud iyo Max’ed Xaaji Yusuf ayaa qaban qaabiyay qorshe dagaal-galin oo ay ku midaynayaan SNF iyo Itixaad, waxaana xoolo loogu qalay halkaas horjoogayaashii labada maleeshiyo ee SNF iyo Itixaad. Dhanka Itixaadka waxa hogaaminayay wadaad ka tirsanaan jiray ciidankii Koofiyad-Gaduuda la oran jiray ee Jan. Max’ed Siyaad magaciisana aan ka xasuusto Sh. Yuusuf, hadana xubin ka ahaa ururka Itixaad. Dagaalkii ayay sidii ku wada galeen SNF iyo Itixaad iyagoo saf-balaaran ku jira sidii ka dhacday Araare 1991 waxana u suurto gashay isbahaysigii SNF-Itixaad inay ka saaraan USC degmada Luuq, waxana dagaalkaas ku geeriyooday Sh. Yuusuf-ka aan kor kusoo sheegnay (Rabi ha u naxariistee)
Markii USC laga saaray Luuq waxay toos usoo aadeen Muqdisho, halkaasna waxa gobolka Gedo oo dhan uu gacanta u galay SNF iyo Itixaad oo wada jira. Waa horaantii sanadkii 1993 Muqdishana waxa jooga xiligaas ciidamadii UNISOM ee Maraykanku uu horkacayay. Sida looga bartay Itixaad, waxay kusoo jeesteen SNF-dii ay xulufada wada ahaayeen, waxana SNF si dhib yar looga saaray Luuq kadib dagaal aan dheerayn oo ku dhex maray labada dhinac halkaas. Intaas kuma joogine Itixaadku waxay soo weerareen Balad-Xaawo oo ay ka qabsadeen SNF, waxana la iskugu keenay SNF degmooyinka Garbahaarey, Baardheere iyo Buurdhuubo, inkastoo Balad-Xaawo aysan lugta ka bixin oo dhowr jeer ay soo weerareen. Waxa halkaas ka bilowday maamulkii Islaamiga ahaa ee Itixaad oo caasimad ay u tahay degmada Luuq. Horaantii 1993 ilaa 1997 ayay haysan doonaan Luuq oo marka dambe ciidamada Itoobiya ay ka saari doonaan.
silsilada@gmail.com



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment