Qaybta 17aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.
Admiral Jonathan Howe. Taliyihii ciidanka Maraykana xiligii UNISOM
Diidmadii Ugu Horaysay Ee Dagaalka Bari
Sida aan kusoo saxay qoraalka qaybta 12aad, markii uu dhacay dagaalka Bari waxa markii ugu horaysay taariikhda Itixaad muxaadaro radis ah oo la duubo ka jeediyay Jaamacadda Madiina labada Shiikh ee la kala yiraahdo Dr. Cismaan Macalim Max’ud iyo Dr. Axmed Daahir Aweys, waxayna ku sheegeen muxaadaraas inaysan raali ka ahayn dagaalka Bari, iyo in dhiiga Muslimiinta si fudud faraha loola galo. Waxay kaloo ku iftiimiyeen muxaadaraas in dood wayn ay ka taagand Itixaadka dhexdiida intii muddo ah loogana doodayay Mubaayacada lala galayo xubnaha ururka oo ay sheegeen inaysan xaq u lahayn madaxda Itixaadku inay Beecada noocaas ah qaadaan, diintana ay ku qaldan tahay in nin aan madax u ahayn dowladda Muslimiinta uu Beeco ka qaado xubnaha bulshada. Muxaadaraas waxay dhalisay baraarug iyo shaki wayn oo galay qaar ka tirsanaa xubnihii ururka, waxana isla markiiba ka baxay ururka rag dhalinyaro u badan oo dunida daafaheeda kala joogay. Laakin labadii shiikh ee muxaadarada jeedisay kama aysan bixin waqtigaas ururka.
Qaybteenii 16aad waxan kusoo sheegay in culumadii u dhalatay gobolada Waqooyi Bari ee hada loo yaqaan Puntland ay ku guulaysteen inay xiraan mucaskarkii gobolka Sanaag oo dagaalada ba’an la galay SSDF, waxayna usoo jeesteen inay xoojiyaan mucaskarkii gobolka Gedo ka furnaa. Ciidamadii Itixaadka ee mucaskarka la xiray joogay waxa laga dhigay wax goboladoodii loo diray iyo wax mucaskarka Gedo loo diray. Mucaskarkaas Gedo oo gali doona dagaalo lagu hoobto oo socday ilaa 1997 qoraalkeena dambe ayaan kusoo gudbin doonaa, waxanse hada ka hormarin doonaa dagaalkii UNISOM iyo Jan. Caydiid ku dhex maray Muqdisho iyo kaalintii Itixaadku ay ku lahaayeen.
Shir Degdeg Ah Oo Shuurada Itixaad Ay Yeelatay Markale.
Markii uu dhamaaday dagaalkii Bari walina uusan bilaaban dagaalkii Muqdisho ee UNISOM iyo USC ayaa shir kale la iskugu yeeray shuuradii Itixaadka si looga xisaabtamo dagaalka Bari iyo cidda ka mas’uulka ahayd. Waxa shirkaas uu ka dhacay dalka Jabuuti mar kale. Dood dheer kadib sidii shirkii hore oo kale ayaa hadana la isku raacay in dagaalka Bari uu ahaa qalad, raggii dagaalkaas galayna waa la ganaaxay mar kale. Markii uu dhamaaday shirkaas ayaa raggii dagaalada galay waxay bilaabeen olale ay ku doonayaan in la badalo xubnaha shuurada oo hada jira, lana soo doorto xubno cusub, iyadoo qorshahoodu uu ahaa in dhalinyarada ururku aysan dooran doonin inta diidan dagaalada oo markaan ay shuurada soo galaan ragga dagaalada raba oo kaliya, markaasna shuurada laga ogolaado dagaalada mustaqbalka la gali doono. Laakin raggii dagaalada diidana oo gartay qorshahaas ayaa is hortaagay in doorasho cusub ay dhacdo, waxayna soo jeediyeen in doorashada ka hor la dhaqan galiyo qodobadii shirka shuurada, isla markaana la sameeyo dib-u-heshiisiin ururka dhexdiisa ah, hal meelna loo wada jeesto. Markii la isku mari waayay arinkaas ayaa rag odayaal ahi soo jeediyeen in shirweyna lagu qabto Muqdisho, waxana bartamihii 1993 iskugu yimid Muqdisho inta badan odayaashii ururka Itixaadka oo tiradoodu gaaraysay dhowr iyo konton oday. Shirkaan oo mudo socday ayaa waxa kasoo baxay qodobada hoose.
· In xilka madaxtinimada Itixaadka laga qaado Sh. Cali Warsame loona dhiibo Sh. Max’ud Ciise Max’ud.
· Iyo in la kala diro mucaskaradii u haray uruka oo ka kala furnaa Dhoobley iyo Luuq.
Dagaalkii UNISOM iyo USC: Intii ka qayb qaadatay iyo Intii diiday.
Qodobka hore oo kaliya ayaa ka fulay go’aanadaas, waxase soo dhex galay fulinta qodobka dambe dagaalkii UNISOM iyo Jan. Caydid oo bilowday intii shirkaas loo fadhiyay. Rag ururka ka mid ah ayaa soo jeediyay qodob shirweynihii hore lagu heshiiyay oo ahaa “in haddii shacabka iyo gaaladu ay diriraan laga faa’idaysto fursadaas oo dagaalka lala galo shacabka oo gaalada lala jabiyo. Waxayna codsadeen in dagaalka ay dhinac ka galaan oo la diriraan Maraykanka, isla markaana la siiyo hubkii Itixaadka ee la duugay, laakin intii badnay xubnihii shuuradu waydiideen in la galo dagaalkan, waxayna ku amreen xubnaha ururka inay ka fogaadaan dagaalkan. Xubnihii shuurada oo shirayay waxay go’aan ku gaareen inay soo saaraan bayaan ay ku diidan yihiin joogitaanka ciidamada shisheeya ee dalka, waxayna eedayn usoo jeediyeen xoogaga xasuuqaya shacabka Somaliyeed. Bayaankaas oo loo xilsaaray inay soo daabacaan oo qaybiyaan madaxdii Itixaadka ee gobolka Banaadir oo uu xiligaas madax u ahaa Sh. C/lahi Sh. Nuur ayna ka mid ahaayeen Max’ed C/qadir, C/qadir Ciro, Max’ud Abu-Shayba iyo C/qadir Cadow (Rabi ha u naxariistee) ma aysan soo saarin bayaankii, ilaa hadana lama oga sababta ay u qariyeen bayaankaas.
Go’aanka inaan la galin dagaalka ah oo intii badnayd ay fuliyeen waxa diiday dhalinyaro uu horkacayay Sh. C/lahi Axmed Sahal (Rabi ha u naxariistee) oo si toos ah u galay dagaalka. Waxa xusid mudan in rag hormuud ka ahaa dagaaladii ka dhacay Kismaayo iyo Bari oo lala galay jabhadaha Soomalida ay diideen inay galaan dagaalkaan. Intaas kaliya kuma ekaysane waxay dadaal u galeen inay kasoo saaraan dhalinyaradii gashay dagaalkaas, iyagoo u sheegay inay isku mid yihiin USC iyo UNISOM in loo kala hiiliyana aysan mudnayn. Raggii olalahaas qaaday waxa ka mid ahaa Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh Max’ed Xaji Yusuf iyo Macalim Max’ud Macalim Nuur oo isagu BBC ka sheegay inay isku mid yihiin Jan. Caydiid iyo Admiral Howe oo ahaa ninkii taliyaha u ahaa ciidamadii Maraykanka ee Muqdisho joogay.Waxa kaloo xusid mudan, markii uu dhamaaday dagaalkii UNISOM, ciidamadii Maraykankuna ay bilaabeen inay ka baxaan dalka in rag uu ka mid yahay Sh. Xasan Daahir Aweys ay cajilad muuqaal ah iskaga duubeen Beebayaashii laga gubay UNISOM iyagoo cajiladaas ku sheegay inay iyagu ka dambeeyeen jabka loo gaystay ciidamada Maraykanka.
Al-Qaacida Oo Kusoo Biirtay Dagaalka UNISOM.
Markii uu qarxay dagaalka UNISOM iyo USC waxa Muqdisho soo gaaray xubno ka tirsan ururka Al-Qaacida oo uu soo diray madaxooda Usama Bin-Laadin, waxayna bareen dhalinyaradii gashay dagaalka sida loo dhigo miinada dhulka, isla markaana looga hago meel fog. Miinooyinkaas oo horay u yaalay dalka, lama aqoon sida looga hago meelaha fog, waxayna ku guulaysteen ragaas iyo dhalintii caawinaysay inay gubaan gawaari badan oo ciidamada Maraykanku leeyahay. Waxa xiligaan isaga ah dhacay heshiis qarsoodi ah oo dhex maray wakiilada Usama Bin-Laadin usoo diray Muqdisho iyo qaar ka mid ah raggii dagaalada ee ururka Al-Itixaad ka tisanaa. Qoraaladeena dambe ee ka hadli doona Al-Qaacida ayaan ku faahfaahin doonaa heshiiskan isaga ah.
Talo iyo Tusaale: silsilada@gmail.com



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment