Home | General | Qaybta 16aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Qaybta 16aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Fulintii heshiiska, gaar ahaan qodobka ugu horeeya ayaa adkaaday sidii loo fulin lahaa, waayo kala diridda mucaskarka ma sahlanayn maadaama ciidamada joogay halkaas ay si aad ah isku dhex galeen, dagaalo badan soo wada galeen, si wayna ay ugu kalsoonaayeen madaxdooda, gaar ahaan Sh. Xasan Daahir oo hogaamiye u ahaa. Dhalinyarada dagaalkaas gashay oo ka tirsanaa mucaskarka la kala dirayay waxa ka mid ahaa Aadan Xaashi Ceyrow (Rabi ha u naxariistee) oo gantaal Maraykan uu ku dilay degmada Dhuusa-Mareeb 1dii May 2008, Ibraahim Xaji Jaamac Meecaad oo hada madax ka ah maamulka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo kuna jooga magaca ah Abuubar Al-Zaylici. Iyo Mahad Warsame Mahad-Karatee oo ku sugan Muqdisho kana tirsan madaxda Al-Shabaab.

Raggii howsha kala diridda ah ku dhaqaaqay oo qubaro ku ahaa kicinta iyo dajinta dhalinyarada ayaa alifay qorshe ay ku kala furfurayaan mucaskarkaas, waxayna ka bilaabeen sidii ay Sh. Xasan Daahir uga dhoofin lahaayeen gobolka Sanaag. Way ku guulaysteen waxana Sh. Xasan Daahir looga yeeray magaalada Burco oo xiligaas ay ku sugnaayeen wadaado ay ka mid ahaayeen Shariif Cabdi-Nuur (kama uusan tirsanayna Itixaadka) C/waaxid Xaashi, Max’ed Qaasim (kama uusan tirsanayna Itixaadka) Max’ed Rashiid Cismaan, C/wahaab Isxaaq, C/lahi Cali Xaashi iyo Sh. C/qadir Gacamey. Waxana Sh. Xasan Daahir loo sheegay inuu degdeg kusoo gaaro Burco si loogu diro Muqdisho oo uu uga hortago rag halkaas jooga oo doonaya inay ka goostaan ururka Itixaadka. Laakin ragaas waxay sheegeen inay Muqdisho u yimaadeen inay ka hortagaan dagaal ka dhaca Muqdisho oo uu galo mucaskarkii ku yiilay Marka, si aysan Muqdisho uga dhicin wixi ka dhacay Boosaaso iyo Garoowe. Xiligaas isaga ah waa 1993 waxana Muqdisho joogay ciidamadii soddonka kun ahaa ee uu horkacayay Maraykanku, qabaa’isha Muqdishana ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen. Wadaadada yimid Muqdisho xiligaas waxa ka mid ahaa Sh. C/lahi Diriye Abtidoon, Sh. C/qaadir Sh. Max’ed  Cukaasha, C/raxman Barre, Sh. Axmed Daahir Aweys, C/lahi Ciise Cilmi iyo Axmed-Caadil, waxayna ku guulaysteen inay ka hortagaan dagaal ka dhaca Muqdisho. Ciidamadii Itixaadka ee mucaskarka Marka intiisii badnayd waxay aadeen gobolka Gedo, intii hartayna waxay soo galeen Muqdisho oo qaarkood ay ka qayb qaateen dagaalka ka dhex bilaaban doona Jan. Caydid iyo ciidamada Maraykanka oo xiligiisa aan faahfaahin doono.  

Sh. Xasan Daahir sidii ayaa loogu soo diray Muqdisho. Kadibna waxa la fuliyay qodobadii kale ee heshiiska oo ciidamadii Itixaadka ee Mucaskarka Saliid wiil walba waxa loo sheegay inuu aado degaankii uu u dhashay, sidaasna waxa lagu xiray mucaskarkii galay dagaalka Bari. Halkaasna waxa ku dhamaaday dagaalkii Itixaadka iyo SSDF oo ilaa iyo maanta si nabad ah ugu wada nool goboladaas oo ay ka socoto waxbarasho dhan walba ah diin iyo maadi labadaba.  

Qaladaadkii Ay Galeen Itixaadku Intii Uu Dagaalku Socday.

1.  Qaladka ugu wayn oo dhabar jabka ku riday Itixaadka waa magacaabidii Sh. Xasan Daahir Aweys loo magacaabay inuu hogaamiyo dagaalka, waayo xiligaas waxa gobolka Gedo qabsaday USC iyo Jan. Caydiid oo ay isku hayb qabiil yihiin Col. Xasan Daahir, taasina waxay keentay inay cidiyaha ku diriraan dadweynihii gobolada Waqooyi-Bari maadaama goboladaas ay ahaayeen meesha kaliya oo waqtigaas aan gacanta ugu jirin Jan. Caydiid iyo USC-diisa, waxana jirtay cabsi ah marka uu Gedo ka saaro Max’ed Siyaad inuu Jan. Caydiid soo weerari doono gobolada Waqooyi-Bari. Haddii dagaalka Bari uu hogaamin lahaa nin u dhashay beesha Daarood waxa hubaal ah in Col. C/lahi Yusuf uusan heleen teegarada uu ka helay dadweynaha gobolada Waqooyi-Bari.

2.  Marka ciidamada Itixaadku ay qabtaan qof ka tirsan ciidamada SSDF way dili jireen, taasoo kasoo horjeeda dhaqanka iyo sharciga dagaalka Muslimiinta dhexdooda ah, waayo ma banaana in qof Muslim ah oo dagaal lagu qabtay la dilo, ama xoolihiisa la qaato, ama dumarka iyo caruurta Muslimiinta la qafaasho. Dilka noocaas ah ee maxaabiista SSDF lagu dilay waxay cadayn u tahay in loo arkayay inay gaalo yihiin sidaas darteedna dhiigoodu uu xalaal yahay.

3.  Intii ay daganaayeen Itixaadku waadiga Saliid ee gobolka Sanaag waxa usoo guuray halkaas dumar fara badan oo ka kala yimid Garoowe, Boosaaso iyo Laas-Qoray. Dumarkaas iyaga ah oo kasoo tagay aabayaashood waxa Wali u noqday oo mehrin jiray Sh. Xasan Daahir Aweys oo isku arkayay markaas inuu yahay Amiirka Muslimiinta, wuxuna ku mehrin jiray Wilaayo Xaakim Muslimiin inuu haysto oo kale. Haddii aysan sidaas ahayn dhanka kale ayaa kasii daran oo markas waxa lagu mehrin jiray gabdhahaas sidii in aabayaashood ay gaalo yihiin oo wilaayadooda aysan gacanta ugu jirin.

4.  Ciidamadii Itixaadku waxay isku dayeen inay kacsadaan warshadii Kaluunka Laas-Qoray iyagoo aan wax ogolaansho ah ka haysan ganacsatadii iska lahayd warshadda, lakin uma suurto galin inay u kacdo oo xirfadlayaashii isku dayay inay kicyaan waxay u baahdeen qalab aan markaas oolin gudaha Somaliya.

La soco qaybta 17aad dagaalkii UNISOM iyo Jan. Caydid Iyo Mowqofkii Itixaadka.
Talo iyo Tusaale: silsilada@gmail.com

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
2.33
Powered by Vivvo CMS v4.0