Home | General | Qaybta 15aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Qaybta 15aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Qaybta 15aad Dagaaladii Bari Iyo Gabagabadoodii.

Col. C/lahi Yusuf oo ku hubaysan taageerada dadweynaha Harti iyo hub iyo dhaqaale uga yimid Itoobiya iyo Maraykan ayaa u dhaqaaqay dhanka Qardho iyo Boosaaso kadib markii uu ku jabiyay ciidamadii Itixaadka magaalada Garoowe. Col. C/lahi Yusuf wuxu daba joogaa ciidamo Itixaad ah oo uu hogaaminayo Col. Xasan Daahir Aweys oo beesha Habargidir u dhashay, taasina waxay dhabarjab wayn ku noqotay qorshihii Itixaadka ee ahaa inay maamulaan dhulka Waqooyi-Bari. Ciidamadii Itixaadku dib ayay uga gurteen magaaloyinka Qardho iyo Boosaaso waxayna aadeed degmada Qow oo ay u bixiyeen magac cusub oo ah Nasru-Diin, halkasna waxay dajiyeen mucaskarkii Boosaaso. Col. C/lahi kama harin ee halkii ayuu ku weeraray, isagoo laga hagayo diyaaradaha Maraykanka oo dul heehaabayay degaankaas. Ciidamadii Itixaadku markii ay u adkaysan waayeen weerarada is daba jooga ah ee SSDF ayay dib ugu gurteen buuraha Saliid ee gobolka Sanaag, halkaasoo ah goob muhiim u ah dagaalada oo isku darsatay buuro iyo waadi biyo mareen ah. Goobtii ayay difaac adag ka galeen inta ay kasoo gaarayeen gurmadyo uga kala yimid Laascaanood oo uu hogaamiyay Col. C/nasir-Fareey iyo mid ka yimid Halooyo, Soomali-Galbeed, waxayna ku guulaysteen inay jabiyaan dhowr weerar oo ciidankii Col. C/lahi Yusuf ay soo qaadeen, ilaa markii dambe ay dantu ku qasabtay inuu dib ugu gurto Boosaaso oo uu ka daayo weerarka ciidamadii Itixaadka. Col. C/lahi Yusuf wuxu albaabada u laabay dhamaan masaajidii ay gacanta ku hayeen Itixaadka ee ku yiilay Boosaaso, Qardho iyo Garoowe. Wadaadadii intooda badana way ka qexeen goboladaas.

Mar kale ayaa shuuradii Itixaadku ay shir degdeg ah ku qaateen Jabuuti sannadkii 1992. Rag badan ayaa ka maqnaa shirkaan waxase timid intii imaan kartay. Waxay ka doodeen qaladka dhacay mar labaad iyo cidda mas’uulka ka aha. Dood dheer kadib waxa mar kale lasoo saaray go’aamadii shirkii 1991 oo kale, inaan mar kale la jabin heshiisyada ururka. Talaabo dambe oo aysan ogolaan Shuuradana inaan la qaadi Karin. Go’aanka ugu wayn ee shirkan kasoo baxay laakiin aan dhaqan galin wuxu ahaa in xilkii gudoomiyanimada laga qaaday Sh. Cali Warsame maadaama uu isagu ogolaaday dagaalka Bari, waxana lagu badalay Sh. Max’ed Cabdi Daahir oo xiligaas ku sugnaa London, UK oo uu daganaa. Magacaabista Sh. Max’ed waxa si buuxda uga soo horjeestay raggii taageersanaa dagaalka, maadaama Sh. Max’ed uu kasoo horjeeday dagaalka. Dood dheer oo la isku mari waayay kadib Sh. Max’ed Cabdi Daahir wuxu go’aan ku gaaray inuu ka tanaasulay isagu magacaabiska xubnaha shirka joogay ay u magacaabeen, halkaasna waxa ku dhamaaday is-mari waagii qodobkaasi uu keenay. Sh. Cali Warsame ayaa dib loogu celiyay jagadiisii muddo 6 bilood ah sidaas ayuuna ku dhamaaday shirkaas.

Sida aan qoraaladeenii hore kusoo saxay Dr. Cismaan Macalim Max’ud iyo Dr. Axmed Daahir Aweys ayaa noqday raggii ugu horeeyay oo si muuqata u radiyay dagaaladaas, waxayna muxaadaro ay u qabteen ardayda jaamacada Madiina oo fasax ku aadaysay dalkii u sheegeen in dhiiga Muslimiinta ee lagu daadiyay gobolada Waqooyi Bari aysan meelna ka waafaqsanayn diinta Islaamka, ragii sameeyayna laga doonayo inay cadayn u keenaan arinkaas.

Mudo kadib dagaalkii Bari, ayay rag odayaal ah oo ka tirsanaa ururka Itixaad go’aansadeen inay heshiis la galaan SSDF iyo Col. C/lahi Yusuf, waxana labada dhinac u furmay wada hadal. Raggii bilaabay wadahadalkaas waxa ka mid ahaa Sh. C/qadir Gacamey, C/waaxid Xaashi, iyo C/lahi Cali Xaashi. Wada hadalkan oo lagu guulaystay waxa kasoo baxay go’aamo ay ka mid ahaayeen.

1. In la kala diro ciidamada Itixaadka lana xiro mucaskarka Saliid ku yaala.

2. In ciidamada Itixaadka loo kala celiyo wiil walba gobolkii iyo qabiilkii uu u dhashay.

3. In wiilasha u dhashay gobolada Bari iyo Nugaal aan laga aargoosan doonin haddii ay dib ugu soo laabtaan dageenadooda.

La soco qaybta 16aad dhamaystirka dagaalkii SSDF iyo Itixaadka 
Talo iyo Tusaale: silsilada@gmail.co

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
3.50
Powered by Vivvo CMS v4.0