Qaybta 14aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.
QAYBTII 14AAD DAGAALKII DHEX MARAY ITIXAAD IYO SSDF
Inta aanan u guda galin dagaalka Bari, waxan jeclahay inan hordhac ahaan u sheego aasaaskii Al-Qaacida oo taariikhda ururada Somaliya meelo kooban kasoo gali doona, sida aan ku faahfaahin doono qoraaladeena soo socda haddii Rabi idmo. Munaasabada hordhaca Al-Qaacida waxa keenay laba sababood, midi waa waqtiga la aasaasay Al-Qaacida oo ku beegan mudada aanu hada marayno, midina waa saamaynta ay ku lahaayeen dagaalka Bari.
Markii uu dhamaaday Jihaadkii Afganistaan dhamaadkii 1991 lagana xoreeyay Midowgii Soofiyeeti dhulka Afganistaan, waxa dhexdooda ka dagaalamay mujaahidiintii Afgaan, taasina waxay keentay in Mujaahdiintii Carabtu ay ka soo baxaan halkaas ayna dib ugu soo laabtaan wadamadoodii. Sida aan ku faahfaahin doono cinwaanka soo socda ee Al-Qaacida: Siday ku soo bilaabatay iyo saamaynteeda Soomaaliya, hogaamiyihii Mujaahidiinta Carabta xiligii la joogay Afganistan Usama Bin-Ladin ayaa go’aan ku gaaray inuu sameeyo ururkan uuna ku faafiyo wadamada Muslimiinta ah oo dhan isagoo adeegsanaya Mujaahidintii wadamadas ka kala yimid ee ka dagaalamay Afganistaan. Markii uu aasaasay Usama ururkisa Al-Qacida ayna ka shakiday dowladda Sucuudigu dhaqdhaqaaqiisa waxay howl musaafuris ah ugu dirtay dalka Suudaan oo shirkadda reerkisa Bin-Ladin ay howl dhisme ah ka waday. Halkaas ayuu Usama kula kulmay xubno ka tirsan ururka Al-Itixaad, wuxuna ka codsaday inay kusoo biiraan ururkiisa cusub. Xubnahas ayaa ka diiday inay ku biiraan ururka Al-Qaacida, waxayna warsadeen in wadashaqayn guud ay dhexmarto iyagoo aanan ku biirin. Usama Bin-Ladin wuxu u sheegay xubnihii ka diiday inay ku biiraan inuu Somaliya kasoo gali doono dariishadda haddii ay u diideen inuu ka galo albaabka, wuuna ka dhabeeyay hanjabaadaas, sida aan ku faahfaahin doono maqaalada soo socda. Markay ku adkaysteen xubnihii Itixaadku inaysan ku biiri doonin Al-Qaacida lakin uu sidooda kale u caawiyo, wuxu Usama u diray howl lugooyo ah, wuxuna u balan qaaday haddii ay Jihaad ka bilaabaan gudaha Soomaaliya inuu usoo diri doono lacag iyo ciidan fara badan oo caawiya, balantaas oo uu uga baxay markii Itixaadku ay dagaalka Bari bilaabeen iyagoo fulinaya balankii ay lasoo galeen Usama Bin-Ladin. Wuxu usoo diray rag fara-ku-tiris ah oo howsha loo soo diray ay ahayd inay si hoose ula heshiiyaan isla markaana ugu soo daraan Al-Qaacida qaar ka tirsan Itixaad.
Munaasabada aan u keenay Al-Qaacida waa intaas, faahfaahinta saamaynta Al-Qaacida ee Somaliya la soco qoraalada soo socda.
Aan usoo laabano dagaalkii Bari, odayaashii Itixaadka ee ku shiray Bacaadweyn, intii tagtay mooyee intii hartay waxay go’aamiyeen waqtiga dagaalka la qaadayo iyo meelaha laga bilaabayo. Waxay amreen Sh. Xasan Daahir Aweys oo hogaaminayay dagaalkaas inuu bilaabo dagaalka. Intii uusan bilaabin dagaalka, Amiirkii Itixaadka Sh. Cali Warsame oo kasoo laabtay Bacaadweyn soona saxiixay dagaalkas, aya waxa Burco ku qabsaday raggii ka joogay Itixaadka waxayna xasuusiyeen inuu jabiyay heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen golaha shuuradu oo ahaa inaan dagaal la qaadi Karin ilaa golaha Shuuradu uu ogolaado. Sh. Cali Warsame halkaas ayuu ku baraarugay wuxuna lasoo hadlay Sh. Xasan Daahir oo isku diyaarinaya dagaalka, wuxuna u amray inuusan qaadin dagaal oo uu ka laabto go’aankii uu amray. Sh. Xasan Daahir oo ay gadaal ka riixayaan raggii markii horaba watay qorshaha dagaalka ayaa dhagaha ka furaystay fariinta Amiirkisa, wuxuna horay usii waday qorshihii dagaalka.
Si dhib yar oo uusan ku daadan dhiig ayay kula wareegeen Itixaadku maamulka Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo degmooyin kale. Markii ay arkeen odayaashii iyo siyaasiyiintii beesha Majeerteen in la qabsaday ayay shir iskugu yimaadeen magaalada Garoowe, waxana ka war helay shirkaas ciidamadii Itixaadka oo isla markiiba soo xirxiray odayaashii shirka u fadhiyay oo tiradoodu ay gaaraysay 30 oday. Ragga lasoo xiray waxa ka mid ahaa Jan. Max’ed Abshir Haamaan iyo Col. C/lahi Yusuf Axmed, waxana la dhigay xabsiga Garoowe. Waxa laga dooday sidii laga yeeli lahaa, waxana Itixaadkii goobtaas joogay ay u kala qaybsameen 3 qaybood, qayb tiri hala dilo odayasha qaarkood sida Col. C/lahi Yusuf iyo qayb tiri yaan la dilin ee xabsiga ha lagu hayo iyo qaybta 3aad oo tiri halasii daayo odayaasha. Qaybtan dambe oo ay horkacayeen Sh. C/qadir Gacamey, Xuseen Cabdule Codweyn iyo C/casis Guureeye ayaa ku guulaysatay inay kasoo daayaan odayaasha dhalinyaradii ay u xirnaayeen.
Markii lasoo daayay Col. C/lahi Yusuf ayuu xabsigii laga soo daayay ku xiray saddexdii wadaad ee soo daysay isaga, wuxuna isla markiiba amray in lala dagaalamo Hawiyaha kusoo duulay dhulka Majeerteen, wuxuna shacabkii Garoowe u sheegay in ninka dagaalka hogaaminaya uu yahay Xasan Daahir Aweys oo la qaraabo ah Jan. Caydiid uuna soo dirsaday Jan. Caydid inuu u qabto gobolada Waqooyi Bari. Go’aanka Itixaadku uu ku gaaray in dagaalkaas uu hogaamiyo Sh. Xasan Daahir Aweys way ka qoomameeyeen, waayo shacabkii Majeerteen waxay si buuxda ugu qanceen doodii Col. C/lahi Yusuf waxayna rumaysteen in ciidamada qabsaday ay yihiin Hawiye uu soo diray Jan. Caydiid. Col. C/lahi Yusuf wuxu kaalmo dhaqaale iyo mid ciidanba ka helay intii uu socday dagaalku dowladaha Itoobiya iyo Maraykan oo ka walwalsanaa in Islaamiyiin ay qabsadaan Somaliya. Magaalada Garoowe waxa lagu laayay wixi sheeganayay magac wadaad, Itixaad ha ahaadaan ama yaysan ahaan, dagaalka haku jiraan ama yaysan ku jirin. Dadkii la dilay waxa ka mid ahaa wadaad curyaan ah oo la oran jiray Siciid-Cagoole oo gurigiisa loogu tagay laguna dilay halkaas. Wadaadadii Itixaadka ee joogay Garoowe waxay noqdeen wax cararay oo baxsaday iyo wax iyagoo cararaya la laayay iyo wax magaalada dhexdeeda lagu dilay. Dumarkii xijaabnaa guryahay kasoo bixi waayeen, masaajidii ay maamuli jireen Itixaadkana albaabada ayaa loo laabay.
Itixaadkii Garoowe sidaas ayaa lagu jabshay, intii badbaadayna waxan u carareen Boosaaso. Saddexdii wadaad ee soo daayay odayaasha ee la xiray, waxa ku hagoogtay odayaashii lasoo daayay qaarkood, inkastoo Col. C/lahi Yusuf uu rabay in iyagana la dilo, laakin waa laga sii daayay. Sh. C/qadir Gacamey isla markiba waxa la saaray diyaarad gaysay Nairobi. Raggii dagaalka go’aankiisa lahaa waxay noqdeen wax la laayay sida taliyihii mucaskarka Kismaayo Col. Max’ud Cise Siciid (Abu Muxsin) madixii Itixaadka gobolada Bari Sh. C/casis Faarax Max’ed (Lagu-Jire) Col. Farax Xasan Farax (Waji-Xun) iyo rag fara badan oo aanan halkan kusoo koobi karin, iyo rag u dhoofay wadanka dibadiisa sida Sh. Max’ed Idiris, Sh. C/lahi Cali Xashi, Sh. Daahir Cabdi (Indha-buur) Saddexdan wadaad ee dambe waxay ku jireen raggii usoo baxsaday Boosaaso oo isla markiba uga soo gudbay Jabuuti iyo wadamada Carabta. Dhalinyaradii wadaadada ahaa oo qaarkood ay Quraanka korka ka hayeen ee halkaas lagu laayay waxa lagu qiyaasay 1000 nin.
La soco qaybta dambe, Boosaaso iyo sida looga baxay. Buuraha Saliid iyo dagaaladii Sanaag. Heshiiskii Itixaad iyo SSDF. Kala diridii ciidamada iyo xiritaanki Mucaskarka.Talo iyo Tusaale: silsilada@gmail.com



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment