Qaybta 13aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.
Qaybta 13aad Shirkii Shuurada Itixaadka Ee Jabuuti 1991.
Markii lagu jabay dagaalkii Araare, uuna halkaas ka dhashay qilaaf ku dhawaaday in ururka lagu kala tago, raggii diidanaa dagaalka waxay codsadeen in shirweyne la iskugu yimaado magaalada Jabuuti maadaama Somaliya ay ka jireen xiligaas dagaalo sokeeya, meel la wada tagi karana aysan jirin. Xubnihii golaha Shuurada intoodii badnayd way yimaadeen Jabuuti waxaana laga dooday sababta loo galay dagaalka ka dhex socda beelaha Soomaliyeed gaar ahaan Hawiye oo uu hogaaminayo Jan. Caydiid iyo Daarood oo ay hogaaminayeen Jan. Moorgan iyo Jan. Gabyow. Raggii dagaalka galiyay dhalinyarada waxay ku doodeen inay saxsanaayeen dagaal Jihaad ahna ay galeen, maadaama magaalada Kismaayo ay Islaantay, mana aha in nalala xisaabtamo ee waxan mudanahay in nala taageero naloona mahad celiyo. Ragaas waxa ka mid ahaa Xuseen Cabdulle Codweyn, C/lahi Raabi, Max’ud Ciise Sicid, C/raxman Jibriil, Sh. Daahir Cabdi, iyo rag kale. Waxa arinkaas ku taageeray oo difaacay rag intooda badan ka maqnaa goobta dagaalka xiligaas oo aan qoraaladeenii hore kusoo sheegnay.
Xubnihii Shuurada ee ku doodayay in dagaalkaas uu ahaa qalad iyo fidno la dhex galay waxa ka mid ahaa Sh. C/lahi Diiriye Abtidoon, Sh. C/qadir Cukaasha iyo rag kale, waxayna ku doodeen in go’aanka dagaalkaas aysan ansixin Shuurada ururka, isla markaana la jabiyay go’aankii Shuurada lagu gaaray sanadkii 1988kii -markii dhalinyarada Waqooyi ah dalbadeen inay galaan dagaalka dowladda iyo SNM u dhexeeyay- oo ahaa inaan la dhex galin dagaalada u dhexeeya dowladda iyo qabaa’isha Soomaliyeed, waxayna sheegeen in markaan aysan jirin dowlad oo dagaalku uu kasii fool xumaaday uuna u dhexeeyay qabaa’il Soomaliyeed. Ragga diidanaa dagaalka waxay xuseen in rag qalinka ku duugay 1988-kii inaan la dhex galin dagaalada sokeeye ay hada hormuud ka ahaayeen dagaalkii Araare. Waxay kaloo uga jawaabeen hadalkii ahaa in “magaalada Kismaayo ay Islaantay” in markeedii horaba ay magaalada iyo dadka daganiba Islaam ahaayeen, waqti ay gaaloobeena aysan jirin, waxayna sheegeen in hadalada noocan oo kale ah ay horseedi karaan fikrad Takfiir oo mar kale dib ugu soo noqota Soomaliya.
Dood dheer oo socotay mudo ka badan laba isbuuc kadib, waxa go’aan lagu gaaray in la ganaaxo raggii dagaalka galiyay dhalinyarada oo jagooyinka ka hayay golaha Shuurada, golaha Fulinta iyo ciidamada ururka, waxana lagu ganaaxay in muddo laba sanno ah aysan wax xil ah ka qaban karin jagooyinka ururka dhexdiisa ah. Laakiin go’aanka ganaaxaas wuxu noqday mid waradaha lagu qoray oo kaliya, mana dhaqan galin go’aankaas oo isla raggii la ganaaxay ayaa howshoodii dagaal-galinta horay usii watay, waxayna mucaskaro cusub ka fureen isla markiiba magaalooyinka Boosaaso, Marka-Cadeey, Dhoobley, Raaskambooni Buula-Xaawo iyo Halooyo (SOMALI-GALBEED)
Qorshihii Dagaalka Bari
Inta badan ciidamadii Itixaadka waxa la iskugu geeyay Boosaaso kadib markii Itixaadkii joogay halkaas ay beesha degaanku u dhiibtay maamulka dekada Boosaaso oo qabaa’ishu ay ku heshiin waayeen. Raggii loo dhiibay maamulka dekada aya waxa galay damac ah inay gebi ahaanba la wareegaan maamulka goboblada waqooyi Bari. Waxay olole balaaran u galeen in dhamaan xubnaha Itixaad meel walba oo ay dalka ka joogaan ay soo dagaan Boosaaso si ay awood ugu yeeshaan halkaas. Sida aan qoraalkii hore kusoo sheegnay ciidamadii Dhoobley iyo Raaskambooni waxa loosoo raray Boosaaso.
Fikrada ah in xoog lagu qabsado gobolada Bari waxa la yimid C/casiis Faarax Lagu-Jire (Rabi ha u naxariistee) oo ku dhiman doona dagaalkan. Naqshadda dowladan wuxu Sh. C/casis Faarax ku dajiyay wadanka Sucuudiga wuxuna diyaariyay dowlad dhamaystiran oo leh madaxweyne, gole baarlamaan iyo wasiiro isagoo aan kala tashan ama aan hor keenin Shuuradii ururka ayuuna go’aankaas gaaray. Rag ka tirsan ururka ayaa Sucuudiga kula dooday oo xasuusiyay in howshaan ay u baahan tahay in Shuuradu ay ka doodo go’aana ka gaarto, lakin horay ayuu uga socday wuxuna yimid Boosaaso. Markii uu Boosaaso yimid ayuu wuxu u yeertay rag dibadaha ku kala maqnaa oo uu u arkayay inuusan uga maarmin dowladda uu dhisayo. Wuxu Canada uga yeertay Sh. Max’ud Food-Cadde iyo Sh. Aadan Max’ed Ciise, Ingiriiskana Sh. Max’ed Sh. Cismaan halka Zaambiya uu uga yeertay Sh. Jaamac C/salaam. Kadib wuxu u soo bandhigay shaxda dowladiisa wuxuna madaxweyne u magacaabay C/casiis Guureeye.
Qorshahaan oo wajigiisii hore uu hirgalay inkastoo isbadalo yar yar lagu sameeyay, ayaa wajigi labad la guda galay, waxana gudaha Somaliya looga yeeray qaar ka mid ah madaxdii ururka si ogolaansho looga helo. Shir qarsoodi ah ayaa lagu qabtay tuulada Bacaadweyn, Mudug waxana looga yeeray shirkas oo kasoo qayb galay Amiirkii Itixaadka xiligaas Sh. Cali Warsame. Shirkaas oo lagu go’aamiyay in xoog lagu qabto gobolada Waqooyi Bari waxa goobjoog ka ahaa xubno Carab ah oo ka tirsanaa ururka Al-Qaacida oo muddo yar ka hor la dhisay walina aan aduun waynaha laga baran. Shirkan oo markii hore loo qorsheeyay inuu ka dhaco Halooyo, (SOMALI-GALBEED) ayaa loosoo wareejiyay Bacaadweyn. Go’aankii la gaaray ee ahaa in xoog lagu qabto gobolada Bari waxa ka horyimid oo diiday Sh. C/qadir Gacamey iyo C/casis Guureeye, laakin cod aqlabiyad ah ayaa lagu ogolaysiiyay oo lagu marsiiyay go’aankii. Diidmada labadaas wadaad waxay sababtay in laga qarsado go’aanada howl galka dagaalka, laguna tilmaamo niman qabiiliistayaal ah. Madaxtinimadii C/casis Guureeye loo wadayna dib ayaa looga laabtay.
Markii laga saxiixay Sh. Cali Warsame go’aanka dagaalka Bari ayuu Shiikhu u yeeray mucaskarkii Marka inuu usoo guuro Boosaaso laakin raggii Marka joogay way diideen inay yimaadaan oo waxa ka hor istaagay Sh. C/lahi Diiriye Abtidoon oo safar degdeg ah ku yimid Marka iyadoo ciidankaas lasoo rari rabo. Wuxuuna xasuusiyay ciidankii joogay Marka in shirkii Jabuuti go’aan lagu gaaray inaan la qaadin talaabo aysan ogolaan golaha Shuuradu. Colaadii Sh. Abtidoon looga qaaday talaabadaas uu ku horjoogsaday ciidanka Marka ilaa iyo maanta way taagan tahay, waxana loo arkaa inuu yahay nin dhabar jabiyay guushii Al-Itixaad ay wadanka ku qabsan lahaayeen. Waxayna madaxdii Itixaadka qaarkood ku direen dhowr mar madaxda wadamada Imaaraadka iyo Qadar oo labaduba sharcigii ka qaaday Sh. Abtidoon kana musaafuriyay wadamadooda.
Intii uu socday shirka Bacaadweyn ayaa waxa loo yeeray Sh. Xasan Daahir Aweys oo markaas ku sugnaa magaalada Buula-Xaawo inuu yimaado Bacaadweyn, laakin intii uu jidka kusoo jiray ayaa go’aanka la gaaray, markii uu yimidna waxa loo dhiibay hogaanka mucaskarkii Bari oo markaas laga qaaday ninkii hayay oo ahaa Faarax Xasan Faarax (Rabi ha u naxariistee) oo ku dhiman doona dagaalka maalmo kadib bilaaban doona. Sh. Cali Warsame markii uu amray Sh. Xasan Daahir inuu hogamiyo dagaalka wuxu dib ugu laabtay magaalada Burco, Sh. Xasan Daahirna wuu aqbalay inuu hogaamiyo dagaalka, waxana la guda galay diyaar garowga dagaalka iyo weerar lagu qaado dadka dega gobolada Waqooyi Bari.
La soco dagaalka Bari, balan qaadka beenoobay ee Al-Qaacida iyo qasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Wixi talo iyo su’aalo ah: silsilada@gmail.com



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment