Home | General | Qaybta 12aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Qaybta 12aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Qaybt 12aad: Ciidankii Itixaadka Oo U Guuray Boosaaso.

Inta aanan bilaabin qaybta 12aad waxan rabaa inaan halkan ku saxo qoraalkii hore. Dr. Cisman Macalim Max’ud iyo Dr. Axmed Daahir Aweys kama aysan bixin ururka markii uu dhacay dagaalka Araare, mana aysan ka duubin muxaaradaro dadweynuhu dhagaysaan. Muxaadaradu waxay dhacday dagaalkii Bari kadib, oo qoraalada soo socda ayay noogu imaan doontaa Insha Allah. Kabixitaankoda Itixaadkuna wuxu ahaa 1994. Lakin waxa jiray qilaaf manhaji ah oo soo bilowday mar hore lakin si fiican usoo shaac baxay 1990 markii uu dhacay dagaalkii Khaliijka. Dr. Cisman Macalim iyo culumo kale waxay dood ka keeneen Beycada laga qaado qofka lagu soo darayo ururka, waxayna sheegeen in Beycada noocaan ah uu lee yahay Amiirka dhulka gacantiisa uu ku jiro oo dadka amaankooda sugi kara. Madaxdii Itixaadkuna waxay ku adkaysteen inay u banaan tahay inay Beyco ka qaadaan dadka. Markii uu dhacay dagaalkii Khaliijka, waxa is qilaafay culumadii waawayneyd ee Caalamka Islaamka iyo dhalinyaradii yaryarayd ee ururada ku jiray. Xamaasad iyo kacdoon ayay bilaabeen dhalinyaradii, culumadii waawaynaydna waxay ka digeen in la degdego oo dagaalo dhiig ku daataan la galo, waxa ka mid ahaa culumadaas Sh. Max’ed Nasirudin Albaani, Sh. C/casis Bin Baas, Sh. Max’ed Salax Cusaymiin iyo rag kale.

Maadaama culumadaas ay ahaayeen ragga hormuudka u ah dacwada Salafka, waxay saamayn ku yeesheen ururkii Itixaad oo sheegan jiray inay ku dhaqmaan Manhajka Salafka. Culumo badan oo ka mid ah Itixaadka ayaa soo jeedshay in culumadaas taladooda la yeelo iyagana la waydiiyo talaabo kasta oo la qaadayo, laakin raggii kale ee kursiga siyaasada hadafkoodu uu ahaa way ku gacan-seyreen taladaas, taasina waxay keentay inay hoos u dhacdo wada shaqayntii xubnaha ururka ilaa marka dambe lagu kala tago meesha.

Aan halkaan kasii wado, xiligii dagaalada Itixaadka ee 1991. Markii ciidankii jabay degeen Raaskamboni iyo Dhoobley waxa dhaawicii loo qaaday Boosaaso inta doono laga saaray Raaskambooni, ciidankiina si meelgaar ah ayay u degeen Raaskamboni. Waxa la isku dayay in ciidanka markab wayn lagu qaado oo Boosaaso la geeyo, lakin way suuroobi wayday. Waxa loosoo raray Dhoobley oo mucaskar cusub laga furay. Xubnihii Itixaadka ee Boosaaso joogay waxa soo martay fursad dahabi ah oo odayaashii beesha gobolkaas ayaa u dhiibay dekadii Boosaaso inay maamulaan, maadaama jabhaddii SSDF ay maamuli wayday dekada, kuna sigteen inay dhexdoda ka dagaalamaan. Odayaashii Boosaaso joogay ayaa u yeertay ciidankii kusoo jabay dagaalkii Araare, laakin waxa arinkaas is hortaagay raggii joogay Jubada Hoose iyo Nairobi oo damacsanaa inay ciidanka dib ugu celiyaan Kismaayo oo mar kale ay qabsadeen ciidankii Jan. Moorgan iyo Jan. Gabyow. Waxay u sheegeen dhalinyaradii dagaalantay inay u diyargaroban in dib loogu laabto Kismaayo, lakin horjoogayashi ciidanka ayaa diiday inay galaan dagaal dambe oo qabaa’isha dhexdeeda ah. Waxay u yeereen Sh. Xasan Daahir Aweys oo joogay Sucuudiga, waxana loosoo saaray dal-ku-gal Kenya ah, kadibna Nairobi ayuu yimid. Waxana loogu yeeray inuu ciidanka ka dhaadhiciyo inay dib ugu laabtaan Kismaayo.

Intii uusan imaan Sh. Xasan Daahir, waxay odayaashii Itixaadku u direen Kismaayo rag xul ah si qabaa’isha joogtay Kismaayo ay uga soo dhaadhiciyaan in wadaadadii Itixaadka dib loogu soo celiyo Kismaayo si ay wax uga difaacaan, arinkaasna way soo dhaweeyeen odayaashii iyo saraakiishii joogtay Kismaayo. Raggii loo diray Kismaayo waxa ka mid ahaa Sh. C/waaxid Xaashi, Sh. C/wahaab Isxaaq, Xuseen Cabdule Codweyn, C/raxman Jabriil, Xasan Ashkir, Max’ed-Rashid Cismaan iyo rag kale oo dhowr ah.

Sidoo kale, odayaasha Itixaadka qaarkoodi joogay Nairobi waxay qado u sameeyeen siyaasiyiintii joogtay Nairobi ee beelaha Harti iyo Absame si ay uga dhaadhiciyaan in ciidanka Itixaad ee jooga Dhoobley loo raro Kismaayo. Guriga qadada lagu sameeyay oo uu lahaa Max’ed Qaasim waxa ka mid ahaa raggii yimid Col. C/lahi Yusuf Axmed wuxuna diiday inuu yeelo qorshihii Itixaadka ee ahaa inay magaalada Kismaayo wax ka difaacaan hadii USC soo weerarto mar kale, wuxuna Col. C/lahi shaki ka muujiyay inay daacad ka yihiin arinkaas, wuxun sheegay inay wataan qorshe afgambi ah oo ay rabaan inay ku qabsadaan Kismaayo, shirkaasna wuxu ku dhamaaday guul daro.

Markii uu soo gaaray Sh. Xasan Daahir Nairobi waxay dhoobley isku raacaan Sh. C/qadir Cukaasha iyo Sh. Aadan Garweyne (Rabi ha u naxariistee) Waxay ku kulmeen Dhoobley gudigii ka yimid Kismaayo oo doonayay inay raraan ciidankii joogay Dhoobley. Sh. Xasan Daahir wuxu bilaabay inuu cod ka qaado horjoogayaasha ciidanka, culumada iyo xubnaha Shuurada wixi ka joogay Dhoobley, wuxuna kala dooran galiyay in Kismaayo la aado iyo in Boosaaso la aado, natiijadiina waxay noqotay in Boosaaso la aado oo codkii ayaa u batay. Raggii watay qorshaha Kismaayo ayaa ka codsaday Sh. Xasan in 10% uu u reebo ciidanka Dhoobley, wuuna ka yeelay. Ciidankii waxa loo raray gobolka Bari, waxana la dhex marsiiyay dhulka Somaliyed ee Itoobiya ay haysato. Dowladda Meles Zanawi oo xiligaas dhalatay waxa warqad fasax ah kasoo qaaday Itixaadkii dhulka Ogadenya oo xafiis siyaasadeed ku lahaa markaas Itoobiya. Sidaas ayaana ciidankii oo hubkooda wata gawaari dagaalna saaran ay u dhex mareen Godey iyo magaaloyin kale oo waawayn, waxayna nabad ku gaareen Boosaaso. Ciidankan waxa watay Sh. Max’ud Ciise Sicid oo ku dhiman doona dagaalka Bari (Rabi ha u naxariistee)

Ciidankii yaraa ee lagu reebay Dhoobley, waxa madax looga dhigay Xasan Ashkir, waxana isla markiiba la dardar galiyay balaarinta ciidankaas oo mudo laba bilood ah waxa qoriga BKM (Dabajeexa) looga safay ciidan dhan 200. Ciidankas oo si fiican loo hubeeyay ayaa markii la diyaariyay in loo raro Kismaayo, waxa nasiibdaro ku dagaalamay Kismaayo labadii beelood ee ciidanka Itixaadku ka koobnaa Harti iyo Absame, waxana Kismaayo laga soo saaray beeshii Absame. Maadaama ciidanka Itixadka ee la diyaariyay 90% ay ahaayeen Absame way suuroobi wayday in Kismaayo la geeyo, sidaasna waxa ku fashilmay qorshihii ku laabashada Itixaadka ee Kismaayo.

La soco qaybta dambe shirkii shuurada Itixaadka iyo dagaalkii Bari
Talo iyo tusaale: silsilada@gmail.com

Comments (1 posted):

live internet tv on 25 May, 2010 02:01:53
avatar
thank you for the post

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
2.57
Powered by Vivvo CMS v4.0