Poll: Like Our New Look?
Do you like our new Vivvo look & feel?
Home | General | Xiisad u Dhaxaysa Labo Beelood oo ka Jirta Degaanka Baar Gaala

Xiisad u Dhaxaysa Labo Beelood oo ka Jirta Degaanka Baar Gaala

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Baar Gaala ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto Xiisad Beeleed ku aaddan Dilkii dhawaan halkaa lagu Dilay Xildhibaan ka tirsanaa Barlamanka Maamulka Pont Land.

  

Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaanka dhawaan halkaa lagu dilay ayaa ku doodeysa in la hor keeno Malliishiyadii dhawaan dilka u Gaystaya Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo  Kooxo Hubaysani ay ku Dileen Degaankaas.

  

Beesha loo haysto in ay ka danbeeyeen Dilka Xildhibaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka meer meerayaan Dalabka loo soo jeediyay ee ah in ay keenaan Dadkii xildhibaankaas Dilay.

  

Arrintan ayaa waxa ay labada Beelood ka dhex abuurtay Xiisad Colaadeed iyadoo wararka halkaa naga soo gaarayana ay sheegayaan in degaankaasi maanta laga dareemayo Xiisado Colaadeed ee u dhaxeeya labadaas  Beelood.

  

Beryihii u danbeeyayba waxaa jiray Muran Siyaasadeed ee halkaa ka jiray kaasoo ka  dhaxeeyay Maamulka Pont Land iyo  Maamul Goboleed Maamulkaasi ka goostay oo la magac bacay Caseyr Land.

  

Xiisaddan ayaa kor u kacday ka gadaal markii Todobaadkii hore Xildhibaan ka tirsanaa Maamaulka Pont Land oo ka soo jeeda Maamulkaas Caseyr Land ay Kooxo Hubaysan halkaa ku Toogteen.

  

Maamulka Pont Land ayaa hore Dilkaas ugu Eedeeyay Kooxo uu ku sheegey in ay yihiin Bur Cad Badeed Degaankaas ku sugan taasoo maamulka Baar Gaalna uu si aad ah u beeniyay.

  

Si kastab waxaa dhinaca kale soconaya dadaal ay wadaan Odoyaal iyo wax garad degaanadaa ka soo jeeda kuwaasoo u Ol oleynaya sidii Xiisadda loo qabanjin lahaa isla markaana loo baajin lahaa dhiig mar kale halkaa ku daata.

  
Download attachment Download attachment >> DSC06219_359794234.jpg

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0