Home | General | Qeybta 7aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya

Qeybta 7aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Sayid Qudub. 

Sayid Qudub wuxu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Muusha gobolka Asyuut ee waqooyiga Masar taariikhdu markay aheyd 9kii Oktoobar 1906. Aabihiis wuxu lahaa dhul beereed, uu kusoo koriyay ilmihiisa, wuxuna ahaa aabbe ku firfircoon dhanka bulshada iyo siyaasadaba. Wuxu qaban jiray kulamo todobaadle ah oo uu uga hadli jiray siyaasada, quraankana lagu aqrin jiray. Yaraantiisii Sayid Qudub wuxu bartay ku luuqaynta Quraanka (qaabka jiijiid ah ee lagu yaqaano Masaarida) Wuxu galay iskool isagoo xooga saaray inuu barto qaybaha kala duwan ee luuqadda Carabi. Markii uu jiray dhowr iyo toban sanno Sayid Qudub wuxu bilaabay inuu dhibsado qaab-dhismeedka iskoolada diinta lagu barto, qaabka ay u dhaqmaan Imaamyada Masaajidda iyo guud ahaan qaabka culumadu u faafiso diinta. Wuxuna usoo bandhigay madaxdii waxbarashada magaaladii uu daganaa in iskoolada diinta lagu daro fasalo lagu barto waxbarashada maadiga ah.
 

Sayid Qudub wuxu bilaabay inuu radiyo oo wax ka sheego qaab dhismeedyada aan kor kusoo sheegnay, kuwaasoo uu u arkay inay ku liitaan fahamka waxbarashada maadiga ah ayna ku adag tahay inay kasbadaan fakarka iyo aragtida dadweynaha. Waxa xusid mudan in xiligaan isaga ah aan wali la aasaasin ururka Ikhwaan Muslimiinka, waxa uu wax ka sheegayana waa qaab-dhismeedka masaajidda iyo culumadii Masar ay u shaqayn jirtay xiligaas. Sayid Qudub wuxu usoo guuray Qaahira 1929 sanad kadib markii la aasaasay ururka Ikhwaan Muslimiin, mana aysan jirin wax xiriir ah ama aqoon ah oo ka dhexeeyay isaga iyo Xasan Al-Bana iyo ururkiisa cusub toona. Waqtigaas isaga ah da’diisu waxay ahayd 23 jir, wuxuuna halkaas kasii watay waxbarashadiisii, isagoo ku biiray iskool uu Ingiriisku maamulayay.

Sannadkii 1933 ayuu ka qalin jabiyay dugsigii Ingiriiska, oo heer jaamacadeed ahaa, wuxuna shaqo macalinimo ah u bilaabay wasaaradii waxbarashada ee boqortooyadii Faaruuq. Sayid Qudub oo kusoo takhasusay luqadda iyo suugaanta, wuxu durbadiiba xooga saaray dhanka suugaanta, wuxuna bilaabay inuu qoro buugaag tiradoodu ay gaartay ilaa 24 oo ka kooban kuwo uu qoray intuusan kusoo biirin dhaqdhaqaaqa Ikhwaanka iyo kuwo oo qoray kusoo biiridiisii Ikhwaanka ka dib. Buugaagtaas uu qoray waxay ka hadlayeen qaybaha kala duwan ee qoraalka sida sheekooyinka khiyaaliga ah (Fiction) suugaan, radin, kuwo ka hadlaya waxbarashada iyo kuwo ka hadlaya diinta Islaamka. Intii uu ka shaqaynayay wasaarada waxbarashada wuxu caawiyay oo uu soo shaac bixiyay qoraaga la yiraahdo Najiib Mahfouz oo sanadkii 1988 ku guulaystay biladda Nopel Prize, isla markaana ahaa qoraaga 50 buug oo badankood laga sameeyay filimo Masaari iyo ajaaniba leh. Intii u dhexeystay 1948 ilaa 1953 wuxu deeq waxbarasho u aaday dalka Maraykanka si uu usoo barto qaab-dhismeedka waxbarashada Maraykanka, waxaana deeqdaas waxbarasho siisay wasaarada waxbarashada ee Masar. Shantii sanno ee uu joogay Maraykan wuxu wax ka bartay jaamacado iyo kuleejooyin kala duwan sida, Colorado State College, Wilson Teachers' College oo ku taalay xiligaas Washington DC. Iyo Stanford University oo ah jaamacadda 5aad ee ugu weyn uguna fiican Maraykanka. Baraarugii Islaamka ee Sayid Qudub wuxu bilowday intii uu joogay Maraykan, kadib dilkii Xasan Al-Banaa (Rabi ha u naxariistee) sannadkii 1949. Waxaa la sheegaa inuu arkay warbaahintii Maraykanka oo si farxad leh uga sheekeynaysa dilka Xasan Al-Banaa, oo ay ku tilmaameen inay aheyd nabar ka fuqay reer Galbeedka. Isla sanadkaas Sayid Qudub wuxu ku qoray Maraykanka buugiisii ugu horeeyay ee uu uga hadlo baraaruga Islaamka iyo cadaalad darada dhaqan-dhaqaale ee ka jirta bulshada Muslimiinta dhexdeeda. Buugaas oo lagu magacaabo Al-Cadaala Al-Ijtimaaciya Fil-Islaam laguna tarjumay Ingiriis (Social Justice in Islam) wuxu noqday ilaa iyo hadana yahay kitaabka ay ka dab-qaataan xubnaha ururka Ikhwaan Mulimiinku meel walba oo ay aduunka ka joogaan. Labada kitaab ee soo raaca midkan waa tafsiirkiisa Fii-Dilaal Al-Qur’aan iyo Macaalim Fi-Dariiq.
 

Inkastoo qoraaladiisa uu Sayidku inta badan wax uga sheego shucuubta Muslimiinta sida aan arki doono, hadana waxa jira qoraalo badan oo uu wax uga sheegay reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka, oo intii uu joogay uu ka qoray buug uu u bixiyay “Ameerikadii aan soo arkay” waxana nuxurka qoraalka buugaas uu wax uga sheegay dhaqamada Maraykanka ee ay ka mid yihiin maadada oo ay ku dheer yihiin, xoriyadda shaqsiga oo ay ku gabood faleen, nidaamkooda dhaqaale oo liita, midab-takoorka oo ku badan, ciyaarta feerka oo si xun la isku garaaco, qaabka ay timaha u jartaan oo xun, furitaanka naagaha oo aan fududeyn inaad furto, ciyaaraha (isboortiga) oo ay ku waalan yihiin, ragga iyo dumarka oo isku dhex gala sidii xoolihii, xataa Kaniisadaha marka ay joogaan, munaafaqeynta markay kuu sheekaynayaan, iyo taageera la’aantooda ay taageeri weeyeen halganka Falastiin, iyo taageeradooda xad dhaafka ah ee Israa’il. Maqaal uu usoo diray wargeys Qaahira kasoo baxa intii uu joogay Maraykanka wuxu uga hadlay fuulxumada qaab-dhismeedka jirka dumarka Maraykanka, waxana ka mid ahaa hadaladiisii “gabadha Maraykanka ah waxay si fiican u ogtahay in jirkeedu uu qaldayo uuna duufsanayo ragga, way ogtahay inay ka been sheegayso wajigeeda, indhaheeda waaweyn, iyo faruuryaheeda ooman, way ogtahay inay ka been sheegayso naasaheeda wareegsan, dabadeeda buuran, cajiradeeda waaweyn iyo lugaheeda siman. Way muujisaa mana qariso intaas oo dhan” ayuu qoray Sayidku.

Sayid Qudub oo xiligii uu joogay Maraykanka uu si weyn uga jiray nidaamkii midab-takoorka ayaa dhibsaday sida loola dhaqmayo maadaama midabkiisa uu ku jiro xoogaa maariin ah. Wuxuna eedayn u jeediyay dadka madoowga ah oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo qalday dadka kadib markii ay u bilaabeen umadda muusikada loo yaqaan Jazz-ka “si ay u raali galiyaan shahwada iyo buuq-jeclida dadka” Sayid Qudub wuxu sheegay in isaga qudhiisu uu ku qaldamay markii hore fahamka noocaas ah, laakiin uu dib ugu soo laabtay wadadii saxda ahayd ee naftiisa. ”Haddii aan kusii socon lahaa raali galinta iyo raacidda nafteyda, aana daba gali lahaa umaddaan(Maraykan) ee ka dooratay sayniska, cilmi-baarista iyo warshadaha inay sameeyaan qalabka lagu ciyaaro (Marvels) wax rajo ah kuma aanan lahaadeen qiimaha bani’aadanimadda” ayuu yiri Sayid Qudub.

silsilada@gmail.com 

 

Comments (1 posted):

Wardoon on 22 April, 2013 11:04:18
avatar
Walaalkiis , Waxaa fiican hadaad wax qoraysid inaad cidaad xiganayso sheegto waayo hadii kale warkaagu wuxuu iska noqonayaa war laska sheegay oo aan la rumaysan karin.

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
5.00
Powered by Vivvo CMS v4.0