Ganacsade Cawil Oo Ka Hadlay Rajada Michael Scott Moore.
Ganacsadihii ku casumay magaalada Gaalkacyo wariyaha Maraykanka ah ee lagu afduubay bishii halkaas ayaa waraysi siiyay maanta warbaahinta magaalada Gaalkacyo. Ganacsade Cawil Aw-Sahal oo ka hadlay rajada uu leeyahay wariye Michael Scott Moore ayaa sheegay inaysan jirin wax wadahadal ah oo u socda dhankooda iyo dhanka afduubka geystay. Ganacsadaha ayaa sheegay inay aad u xuntahay rajada laga leeyahay in si nabad ah lagu soo daayo ninkaas, kadib dhacdadii xooga lagu soo furtay lahaystayaal hore oo lagu haystay isla dagaanka hada lagu hayo wariye Micheal.
Cawil wuxu sheegay inay aad u liidato xaaladda caafimaad ee wariyaha oo ay afduubteen dabley ku heyb ah ganacsadaha kuwaasoo markii hore uu isagu u qoray inay ilaaliyaan xaaladda amaan ee wariyaha. Wariyahan oo u dhashay dalka Maraykanka ayay ku hanjabeen dableyda haysata inay dili doonaan haddii uu Maraykanku isku dayo inuu xoog ku furto mar kale, waxaana lasoo sheegaya inay maalin walba ula guuraan goob cusub. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan xaalada laheystahan oo lagu afduubtay xarunta maamulkaas.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment