Home | Somali News | Hordhac: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Hordhac: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Maadaama Itoobiya iyo Maraykan ay ku jabeen gudaha Somaliya ayna si dhamaystiran uga guureen caasimada Muqdisho bogga wadanka.com wuxu soo bandhigi doonaa bari wixi ka bilowda silsilad qoraalo ah oo ka hadlaysa ururada Islaamiga ah ee Somaliya sida ay ku bilowdeen, ujeedooyinkooda, waxa ay kala aaminsan yihiin, meelaha ay ku kala xiran yihiin iyo damacooda kursiga hogaaminta Soomaliya. Akhristayaasha waxan ka filaynaa inay iyagu kala dhex baxaan khatarta iyo faa'idada ay Soomalida u wadaan ururadaas Islaamiga ah.

Bogga wadanka.com wuxu diyaariyay qoraladan muddo hore waxaanan la sugaynay inta cadawgu uu ka baxayo dalka. Waxanan hada usoo bandhigaynaa inaysan shacabku ku kadsoomin ururada qaarkood iyo ujeedooyinka marin habaabinta ah ee ay aaminsan yihiin, miisaan rasmi ahna ay saaraan iyagu. Qoraaladeena waxan ugu hormarin doonaa ururka ugu khatarta badan ee Al-Shabaab waxanan cinwaan uga dhignay Silsilada Qoraalada Al-Shabaab Iyo Halka Ay Kasoo Bilowdeen.

Kala soco bari iyo maalin walba bogga wadanka.com

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
3.00
Powered by Vivvo CMS v4.0