Home | Somali News | Qaybta 1aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Qaybta 1aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Inta aanan u guda galin maqaaladeena waxan u hambalyaynaynaa Sh. C/raxman Janaqow iyo saaxiibadiis Sh. Bashir Axmed-Salaad iyo Sh. Max'ud Abu-Shayba oo noqday raggii ugu horeeyay oo si bareer ah u radiya kana diga Al-Shabaab iyo khatarta ay soo wadaan. Waxaase ragaas laga rabay inay qirtaan in ururkoodii Al-Itixaad ama Al-Ictisaam ay ahaayeen kuwii dhalay Shabaabka ay maanta ka qaylinayaan. Maqaalada soo socda ayanan ku cadeyn doonaa sida ay Al-Itixaadku u dhaleen Al-Shabaab.

Diinta Islaamka iyo Soomalida Keebaa Horeeyay?

Diinta Islaamku waqtigii ay soo gaartay dhulka Somalida waxa ka taagan dood maadaama Soomalidu aysan waxba qori jirin, mana la helayo qoraal Carabi ah oo cadaynaya waqtigii ay soo gaartay. Waxaase jira cadaymo iyo taariikh hore oo sheegaysa in waqti hore ay soo gaartay diinta Islaamku ama la oran karo jiritaanka Soomaaliduba wuxuu la bilwday imaatinkii diinta Islaamka, oo Soomalida maanta jirtaa waa mirihii ka dhashay Carabtii dalka timid iyo Afrikaankii madoobaa oo loogu yimid. 

Waxa kaloo la ogsoon yahay in aysan diintu kusoo gaarin Somaliya hab dagaal ah ee ay ku timid nabad, mana jirto khilaafo Islaami ah oo ka talin jirtay Somaliya marka laga reebo khilaafadii ugu dambaysay ee Cismaaniyiinta oo wakiilkoodii Cumaan uu ka talin jiray xeebaha Somaliya. Waxana xarun u ahayd wakiilkaas jasiiradda Zanzibaar ee xeebaha Tanzaniya. Waxa jirta laba aragtiyood ee qeexaysa qaabkii Islaamku kusoo gaaray Somaliya.

1.    Midi waa waqtigii uu Nabi Max’ed NNK joogay Makka intii uusan u hijroon Madina. Markii lagu dhibay Makka ayuu asxaabtiisa qaarkeed usoo diray dhulka Xabasha oo Harar  ay ka mid ahayd. Waxana halkaas soo gaaray Asxaab uu hogaaminayo nabiga ina adeerkiis Jacfar Bin Abii Daalib. Asxaabtaas oo mudo joogtay dhulkaas waxay Islaamiyeen dadkii halkaas daganaa, waxana dhici karta inay halkaas naga soo gaartay diintu iyadoo nabad ah.

2.    Mida labaad waa in dadka Soomalida ah iyo diinta Islaamkuba ay isku mar soo galeen dhulka Somalida ee maanta la yaqaano. Waxana la sheegaa in dhulkaan ay daganaayeen dadka loo yaqaan Bantu ee u eg dadka Afrikaanka ah. Somalida oo asalkeedi Carab ka timidna ay ku milmeen dadkaas. Inta badan dadka Bantu-ga ah waxaa loo durkiyay dhanka Koonfurta ilaa la gaarsiiyay xuduuda Kenya. Midabka dadka Somalida ah oo ka duwan kan Afrikaankana wuxu u muuqdaa intiisa badan isku dar Carab iyo Afrikaan mid ay iska dhaleen.

Ku Dhaqanka Diinta Islaamka Ee Soomaliya

Sida aan soo sheegnay khaliifa Islaam oo ku xukuntay shareecada Islaamka dhulka Somaliya ma aysan jirin. Cadaynta ugu wayn arinkaasna waa xijaabka dumarka Muslimiinta oo ku haray dhamaan dhulkii ay xukumi jireen khaliifooyinka Islaamka ee markii dambe gumaysigu uu gacanta ku dhigay. Dhulka Soomalida lagama aqoon dumar xijaabta intii ka horaysay sanadihii todobaatameeyadii.   Maadaama noocaas ay kusoo gaartay diinta Islaamka Somaliya, waxa hormuud u noqday fidinta diinta dariiqooyin Suufiya ah oo saddex magac kala lahaa, haba kala xoog badnaadaane.

1.  Dariiqada ugu waynayd waxay ahayd Qaadiriya oo laba garab usii kala qaybsanayd. Uwaysiya oo ku abtirsata Sh Uweys Al-Qaadiri. Iyo Sayliciya oo ku abtirsata Sh. C/raxman A-Saylici.

2. Dariiqada labaad waa Axmadiya oo ku abtirsata ama uu bilaabay Sh. Cali Maye oo reer Marka ah.

3.Dariiqada saddexaadna waa Saalixiya oo la sheego inay Somaliya kasoo gashay magaalada Basra ee dalka Ciraaq.

Waxa la sheegaa dariiqooyin yar yar oo kale oo aan wax kasoo qaad lahayn.

Inkastoo dariiqooyinkaas ay diinta fidiyeen isla markaana ay difaaceen, hadana waxay lahaayeen habacsanaan wayn oo khalkhal galisay cibaadada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka. Waxa ka buuxay khuraafaad iyo bidcooyin fara badan. Tusaale ahaan Dariiqooyinku waxay aamin sanaayeen in qabuuraha dadka dhintay ee Saalixiinta ah la baryi karo ama loosii maro baryada Rabi, oo Rabi kaligiis aan la baryi karin haddii aadan soo marin Awliyada. Culumada dariiqooyinka qaarkood waxay tusaale ka dhigan jireen in madaxweynaha dalka aadan u gali karin ilaa aad sii marto wasiiradiisa iyo lataliyayaashisa. Waana arin khatar ah oo qofka gaarsiin kara Shirki lagu cadaabo abidkiis, haddii uusan ka toobad keenin. Waxa kale oo si wayn ay ugu dhaqmi jireen dariiqooyinku bidcooyin ay cibaado ka dhigteen oo Nabi Max’ed iyo Asxaabtiisii gadaashood la keenay.

Waxay kaloo si buuxda u qaateen dariiqooyinku fikradda ah in la kala saaro Diinta iyo dowladda. Fikradaan oo ay dajiyeen shucuubta Kirishtaanka ah markii ay u adkaysan waayeen khiyaanada iyo cadaalad darada Kaniisada Kirishtaanku ay ku dhaqi jirtay shacabkeeda. Mana la sheegin inta aan ka warqabo culumada Suufiyada oo ku wacdiyay dadka in kitaabka Quraanku uu yahay dastuur dalka iyo dadka in lagu dhaqo ay waajib tahay.

Dhaqanka noocaas ahi wuxu keenay in Diinta Islaamku ay ka noqoto Somaliya mid ku ekaata Masaajida iyo qabuuraha oo kaliya, oo aan u soo gudbin guryaha, iskoolada, jaamacadaha iyo xarumaha dowladda. Sidoo kale bulshada dabaqadaheeda marka la fiiriyo diinta waxa lagu yaqaanay odayaasha waawayn oo kaliya, mana aysan jirin dhalinyaro iyo dumar ku dhaqma diinta. Culumadda Dariiqooyinku waxay ka waliimaysan jirteen guryaha tujaarta iyo madaxda, mana aysan ku wacdin jiray in guryahaas lagu dhaqo diinta oo la xijaabo dumarka guryahaas jooga. Kaliya waxay ka cuni jireen bariis, hilib, bun, iyo cambuulo. Cabitaana caano, shah iyo qaxwe ayaa u ahaa.

Dhanka dhalinyarada Xerta ah iyo kuwa ka baxa iskoolada Carabiga ee dariiqooyinka marka ay shaqooyin ka helaan dowladda, ama qaarkood loo diro waxbarasho dibadaha ah sida Ruusha iyo Talyaaniga, waxay soo noqon jireen iyagoo diintii ka faanaya. Kuwa ka soo laabta Ruushka qamrada ay soo bartaan waxa u wehlin jiray inay noqdaan Shuuciyo oo diinta oo dhanba inkira. Kuwa kasoo laabta Talyaanigana qamro iyo dhilaysi ayay ku caanbixi jireen.Hadiiba ay jiraan dhalinyaro wadaado ah oo ku dhaqma diinta Islaamka, waa lala yaabi jiray. Halhayska Somaliduna wuxu ahaa 40 jir ayaa lagu toobad keena oo masaajida lagu galaa. Dumarka Somalida waxa ceeb ku ahayd gabar timada daboolata, waxana la oran jiray gabadhii timaha dadata “malagu guursaday”

Qaybta 3aad: Baraarugii Diinta Islaamka Ee Soomaliya. 
La soco Barito

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
2.56
Powered by Vivvo CMS v4.0