Qaybta 4aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.
Dacwadii baraaruga sidaas ayay ku faaftay carabka culumo Arbiciinka taqaan, maadaama culumadii waaweynayd Kacaanku u xirxiray. Waxaana halkaas laga dheehan karaa dacwo u dhexaysa faa’ido iyo khasaare. Faa’idadu waa in dhalinyaradii ay ku mashquuleen diinta Islaamka, gabdhihiina la xijaabay, lagana fogaaday fisqigii sida shaleemooyinkii iyo heesihii. Khasaaruhuna waa in dhalinyaradaas Arbiciinka wax ku wacdiya ay isku arkeen culumo waawayn oo ka talin kara mustaqbalka Dalka iyo Diinta. Waana mida keentay in dhalinyaradaas ay ku dhaqaaqaan talaabooyin keenay in dhiiga Soomalida Muslimiinta ah ay farahooda lagalaan.
Culumada aan kor kusoo sheegayna waa kuwa soo saari doona Al-Shabaabka maanta laga wada qayliyay, ee u fiirsada sida sheekadu iskugu xiran tahay. Waxaan gaari doonaa (Haddii Rabi idmo) marka magaca Al-Ahal lagu badalo Al-Itixaad in la furi doono Xafiiska Jihaadka oo noqon doona xafiiska rasmiga ah ee soo saaray xubnaha Al-Shabaab maanta loo yaqaan. Hordhaca xafiiskaasna waqtiga aan hada marayno ayuu bilowday. Xiligaan 1977 waxa ururka Al-Ahal uu go’aan ku gaaray in xubnihiisa qaar uu ku daro ciidamada qalabka sida si ay ugu soo tababartaan xirfadaha ciidanka oo bari ay ugu anfacaan ururka marka uu gaaro xili uu dagaal gali karo ama afgambi uu dalka ku qabsan karo. Xubnihii lagu daray ciidankana waxa ka mid ahaa C/raxman Sh. Cumar, C/samad iyo Xasan Mahdi oo reer Baledweyne ah iyo rag kale. Waxa ragaas uga horeeyay ciidanka Sh. Xasan Daahir Aweys oo isagu iskiis u galay ciidanka kana mid noqday ururka Al-Ahal isagoo askari ah, mase hubo inuu isagu keenay fikradda ah in lagu biro ciidamada, waxaas muuqata inuu ku dhiiri galiyay in lagu biro ciidamada. La soco wax qabadka saraakiishaan marka la gaaro xiliga dagaalka dhamaadka sideetameeyada.
Culayskii Kacaanku aad ayuu ugu batay culumadii da’da yarayd ee waday dacwada baraaruga. Wuxu Kacaanku adeegsaday culumadii Dariiqooyinka Suufiyada oo uu u dhiibay xilalkii wasaarada garsoorka iyo arimaha Diinta waxayna culumadaas dacaayad aad u xoog badan ku fureen dhalinyaradii dacwada waday xiligaas oo aan lahayn awood dhanka aqoonta naxwaha Carabiga, culumadii ka difaaci lahaydna xabsiga ayaa la dhigay. Ragga weerarka ahaa ee dariiqooyinka Suufiyada waxa hormood u ahaa Sh. Max’ed Guuleed oo gaaray heer uu xirxiro masaajida qaarkood, sida masaajidkii Dumarka ee uu sameeyay Sh. Max’ed Macalim intii aan la xirin ee uu u shaqayn jiray wasaarada Garsoorka iyo Arimaha Diinta. Dumarkii laga xiray masaajidka Dumarka waxay dantu ku qasabtay in guryahooda loogu aqriyo casharada Diinta, mararka qaarkoodna iyaga dhexdooda ayaa la isku diri jiray oo wax isku aqrin jiray maadaama ragga lagu daba jiray.
Ururkii Ka Dhisnaa Waqooyiga Waxdatu Al-Shabaab.
Halkaas urur ee Al-Ahal ayaa ka jiray Koonfurta Somaliya, waanan usoo noqon doonaa Al-Ahal iyo sida uu u xuub-siiban doono. Waxan wax yar ka iftiimin doonaa urur ka dhisnaa Waqooyiga oo la oran jiray Waxdatu Al-Shabaab. Ururkan isaga ah uma nidaamsanayn sida midka ka dhisan Koonfurta ee Al-Ahal, dhaqdhaqaaqiisuna ma badnayn. Waxayse wadaageen labada urur fikirka Al-Ikhwaan Al-Muslimiin oo waxay labaduba ka biyo cabi jireen dalka Masar. Dhalinyarada Waxdadu waxay lee yihiin Maktabad waxayna akharistaan kutubta Ikhwaanka Masar. Raggii ka yimid Koonfurta oo shaqooyinka loogu soo badalay Waqooyiga waxay dhex galeen dhalinyaradii Waxdada waxayna isku dayeen inay ururkoodi Al-Ahal kusoo daraan, waxayse kala kulmeen xooga yar oo iska caabin ah, maadaama urur dhisan ay yihiin, sida caadiga ahna urur kuma biiro urur kale inay midoobaan maahee. Dhalinyaradii Waxdada kuwoodii ugu firfircoonaa waxa lagu casumay Muqdisho si madaxdii Al-Ahal loogu geeyo oo looga soo dhaadhiciyo inay kusoo biiraan Koonfurta. Dhalinta dacwada ka waday Waqooyiga waxa ka mid ahaa C/qadir Xaji Maxud, Xasan C/salan, Ismacil, C/raxman Garweyne, Max’ed Yusuf iyo Mustafa Xaaji Haaruun. Madaxdii Al-Ahal ee Muqdisho waxay ku guulaysteen inay kusoo daraan ururkooda inta badan dhalinyaradii Waqooyiga marka laga reebo Sh. Mustafa Xaaji oo isagu diiday inuu ku biiro Al-Ahal. Sidaasna waxa ku burburay ururkii Waxdatu Al-Shabaab maadaama intii badnay ay ku biireen Al-Ahal.
Sidaas wadanka oo dhan wuxu ku yeeshay hal urur oo ah Al-Ahal uuna u madax yahay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo markaan masaafuris ku jooga Makka, Sacuudiga.
La soco Bari-Dambe. Hada wixi ka bilowda waxan ka dhigi doonaa maqaaladan maalin-dhaaf ee naga raali ahaada.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment