Home | Somali News | Qaybta 6aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Qaybta 6aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Qaybta 6aad: Ururkii Al-Ahal Intiisa Badan Oo Takfiir Noqday.

Sida aan kusoo sheegnay qaybta 5aad gudoomiyihii Al-Ahal iyo inta badan raggii la joogay Sucuudiga waxay qaateen fikradii Takfiirka, wuxuna saddex nin oo ka tirsan Al-Ahal u kala diray wadamadii ay ku badnaayeen xubnaha Al-Ahal. Soomaliya wuxu u diray C/qaadir Aw-Muuse oo ganacsade ahaa. Kenya wuxu udiray Aadan Dheere oo arday ka ahaa Sucuudiga. Suudaana wuxu u diray Axmed Nuur Carab oo isna arday ka ahaa  Sucuudiga. Labada nin ee loo kala diray Soomaliya iyo Kenya way ku guulaysteen howshii loo diray oo inta badan xubnihii Al-Ahal waxay si fudud ku qaateen fikradii Takfiirka. Ninkii loo diray Suudaan waa ku guuldaraystay, maadaama dhalinyaradii Suudaan joogtay badan kood ay jaamacadaha dhiganayeen oo yaqaaneen in fikrada Takfiirku ay tahay mid qaldan. Soomaliya iyo Kenya khidad fiican ayuu u dagay Sh. C/qadir Sh. Max’ud oo fikirka Takfiirka waxa markii hore lagu shubay dhalinyaradii yaryarayd intii wax aqrinkartay dib ayaa loo dhigay, si aysan dood iyo su’aalo ukeenin, waxayna ka warheleen arinka mar dhalinyaradii oo dhan laga dhigay Takfiir.

Raggii ka tirsanaa Al-Ahal oo diiday inay qaataan Takfiirka waxa ka mid ahaa Sh. Axmed Daahir Aweys, Sh. C/qaadir Cukaasha, Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh. Max’ud Ciise Max’ud, Axmed Cali Axmed, C/qaadir Jaziira, Cali Abshir, C/salaam Sh. Ibraahim iyo rag kale oo dhowr ah. Rag uu ka mid yahay Sh. Max’ed Cabdi Daahir waa galeen Takfiirkii laakin kuma daahin oo isla markiiba waa kasoo bexeen, isagaana sabab u ahaa intii kasoo baxday. Dhamaan intii kale xubnihii Al-Ahal waxay galeen Takfiirka. Intii diiday inay galaana waa laga saaray ururkii, waxaana loo bixiyay Tasliimiyiin oo ay ula jeedaan (kuwo Muslim ku magacaaba dad gaalo ah) waxana halkaas ka dhalanaysa in ragga diiday fikirka Takfiirka laftirkooda la gaalaysiiyo. Sidaas ururkii Al-Ahal wuxu isku badalay kuligiis urur Takfiir ah oo ilaa hada wali ka jira Soomaliya haba taagdaraadee.

Fikradii  Takfiirku si xawli ah ayay ugu faaftay Soomaliya oo dhan marka laga reebo Waqooyiga oo raggii loo diray ay usuuroobi wayday inay ku faafiyaan Takfiirkii. Madaxdii hore ee Waxdatu Shabaab waxay ku guulaysteen inay dib usoo nooleeyaan ururkoodii hore, dhalinyaradiina ay kasoo saartaan Al-Ahal, xiligaasna waxaa Amiir u ahaa nin la yiraahdo C/qaadir Xaaji oo loo yaqiinay Garweyne. Halkaas waxa Somaliya ay ku yeelatay saddex urur, Al-Ahal, Al-Islaax iyo Waxdatu Shabaab.

Maxay Aaminsanaayeen Takfiirku? 

Fikradaan Takfiirka oo ah mid soo bilaabatay waqtigii Qaliif Cali Bin-AbiDaalib, waxa bilaabay rag loo bixiyay Khawaarij oo banaystay dhiiga Muqlimiinta. Kuwa waqtigaan ka bilowday Soomaliya ma aysan helin fursad ay kula dagaalamaan Soomalida Muslimiinta ah, laakin waxay ka fogaadeen masaajidii iyo kawaanadii xoolaha lagu qali jiray. Waxay rumaysnaayeen in xoolaha aysan iyagu qalin inaysan cunin, maadaama qofka qalay uu gaal yahay. Waxay kaloo ku dhex faafiyeen dhalinyaradii iyo dumarkii in wadaadka ka aadaama Masaajidka marka uu leeyahay LAA ILAAHA ILALAAH uu la mid yahay wiilka kubada marka uu laado yiraahda “LAA ILAAHA ILALAAH, SIDAAN U LAADAY MA UJEEDEEN” sidaas darteedna aan lagu tukan karin masaajida. Waxay dumarkii Somalida ka dhaadhiciyeen in aabayaashood ay gaalo yihiin, sidaas darteedna aysan mehrin karin, waligoodana aysan ahayn. Sidaasna waxay magaalooyinka ugu guuriyeen gabdho badan oo aabayaashood ay joogaan guryahooda.

Kutubta ay akhrisan jireen oo ay kala soo dhex bexeen fahamkaas waxa ka mid ah Tafsiirka Sayid Qudub ee Dilaal Al-Qur’aan, sidoo kale kutubta Sayid Qudub oo ay ka mid yihiin Macaalim Fi-Dariiq iyo Dariiqu Dacwa Fii-Dilaalul Qur’aan. Kitaab kale oo uu qoray Mowduudi oo la yiraahdo Mustalaxaatul Arbac Fil-Qur’aan.  Sidaasna waxa Muqdisho iyo hareeraheeda si aad ah ugu faafay fikradaas musiibada ku noqotay Somaliya ilaa iyo manta. Raggii diiday inay galaan Takfiirka waxay bilaabeen inay radiyaan fikirkaas, waxayna soo qaateen kutubtii loo diidi jiray markii hore, oo ay qoreen Shiikul Islaam Ibnu-Taymiya iyo ardaygiisa Ibn-Qayim Al-Jowsiya.

Ururkii Afaraad Oo Samaysmay: Al-Jamaaca Al-Islaamiya.

Ragii diiday Takfiirka oo laga saaray Al-Ahal, maadaama ay wali qabaan fikradii Ikhwaanka oo ahayd raadinta kursiga dowladda waxay dhisteen urur cusub oo ay ubixiyeen Jamaaca Islaamiya, (kor ayaan kusoo saxay qaladkii ahaa in Jamaaca Islaamiya ay ugu horaysay ururada, booskoodu waa waqtigaan) waxayna madax ugu dhigeen Sh. Max’ud Ciise. Ururkan cusub wuxu helay fursad aad u wayn maadaama Al-Ahal ay dadkii gaalaysiiyeen, waxay weerar lixaad leh ku qaadeen fikradda Takfiirka waxayna ku guulaysteen inay inta badan dadka uga digaan khatarta Takfiirka ayna kazoo reebaan dhalinyaro farabadan.Casharo waawayn ayay bilaabeen xubnihii ururka cusub ee Jameeca Islaamiya, waxaana hal habeen laba tafsiir ay ka kala bilaabeen labada masjid ee kala ah, Ceel-Hindi oo uu ka bilaabay Sh. Max’ud Ciise tafsiirka suuratul Xujuraat, halka Sh. C/qadir Max’ed Aadan Cukaasha uu ka bilaabay isla suuradaas Masaajika Al-Khadir ee Bakaaraha ku yaalay. Waxayna ugu talagaleen in dhalinyarada lagu soo celiyo masaajidda, maadama Takfiirku ay ku tilmaameen masaajida goobo aan lagu hayn cibaadada Rabi ee ay la mid yihiin degmooyinka Kacaanka.

Ururkii Al-Ahal ee ugu horeeyay wuu burburay wuxuna u kala jajabay afar urur oo afartuba uu manhajkoodu yahay manhajka Ikhwaanka, waxayna kala ahaayeen:

1.      Takfiir uu hogaamiyo Sh. C/qadir Sh. Max’ud

2.      Islaax uu hogaamiyo Sh. Max’ed-Garyare.

3.      Waxtadu Shabaab uu hogaamiyo Sh. C/qadir Garweyne

4.      iyo Jamaaca Islaamiya uu hogaamiyo Sh. Max’ud Ciise.

Jamaaca Islaamiya waxay ku qaadatay laba sanno inay xadidaan awoodii Takfiirka, shacabka intiisa badana ay ka dhaadhiciyeen in fikirkaas uu qaldan yahay oo aan lagu kadsoomin. Sida aan kor kusoo sheegnay Jamaaca Islaamiya waxay ka faa’idaysatay qaladaadkii Takfiirka, waxayna aqriyeen kutub aan horay loo ogolayn in la akhriyo, waxayna halkaas ka barteen Towxiidul Cibaada, oo ah in Rabi kaliya loo kali yeelo Cibaadada oo aan lala wadaajin baryaha, talasaarashada, rajada, cabsida iyo jaceylkaba inta uu abuuray, kaligiisna uu muto arimahaas. Waxay halkaas uga hareen Suufiyadii iyo Xadradii lagu dhex waday ururkii Al-Ahal.

La Soco qaybta 7aad Jamaaca Islaamiya oo xoogaysatay iyo Sh. Max’ed Macalim oo xabsiga kasoo baxay lana kulmay isbadal fara badan oo dhacay intii uu xirnaa.   silsilada@gmail.com

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
2.80
Powered by Vivvo CMS v4.0