Home | Somali News | Qaybta 9aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Qaybta 9aad: Silsiladda Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Qaybta 9aad. Qilaafaadka Urur Walba Dhexdiisa Ka Jiray.

Ururka Al-Itixaad Al-Islaami.

Waxan kor kusoo sheegay in ururada dhexdooda uu ka dhexeeyay qilaaf, tartan iyo dacaayad aad u xoogan oo mararka qaarkood ku dhawaata inay cadowgooda isku gacan galiyaan. Markaana waxan fiirin doonaa qilaafka ka jira urur walba dhexdiisa.

Aan ku horayno ururka Itixaad oo ahaa ururka ugu waynaa Somaliya. Ururkaan xubnihiisa waxa ku jiray rag badan oo jaamacado uga soo baxay Sucuudiga, xiligaas isaga ahna waxa jiray hay’ad Sucuudigu maal galiyo oo la yiraahdo Daarul Iftaa ama (Iftaha) hay’adaan waxay mushaar joogto ah siin jirtay ardayda kasoo baxda Sucuudiga qaarkood oo dacwada ka wada dalalkooda. Somaliya waxay ku lahayd xafiis wayn oo arimahaas qabta. Waxa dhacday in hay’adaas ay dalbatay in shaqaalihii ay mushaarka siin jirtay laga soo xulo rag toban gaaraya oo loo diro Suudaan oo siminaar dacwo ah ay uga qayb galaan. Markii lasoo xulay raggii dhamaantood waxay noqdeen qabiilka Daaroodka ah oo hal nin oo ka mid ah uma uusan dhalan qabaa’isha kale ee Soomaliyeed, gaar ahaan Hawiye iyo Isaaq. Qabiilkii Isaaqu wuu iska samray oo dood kama keenin arinkaas, laakin xubno ka mid ah beesha Hawiye ayaa dood iyo dacwo ka keentay arinkaas. Raggii Hawiye ee buuqay ugu dambayntiina ka baxay ururka Itixaad waxa ka mid ahaa Sh. C/raxmaan Abtiyoow, Sh. C/salam Xasan Gacal (Rabi ha u naxariisto) Sh. Siciid-Gurey (Rabi ha u naxariisto) iyo rag kale. Waxayna dacwo kusoo oogeen Sh. C/lahi Cali Xaashi iyo Sh. C/qadir Gacamey. Eedayntii ahayd in hal qabiil lasoo xulay waxa u wehliyay labadaas shiikh oo lagu maxkamadeeyay in markii la tagay Suudaan ay kusoo dareen ururka rag aanan soo buuxin shuruudihii ka mid noqoshada ururka, waxana ka mid ahaa ragaas Sh. Xasan Turki oo markaas muddo yar ka hor kasoo baxay ururka Islaax. Maxkamadiina waxa lagu dhameeyay xaal mustuur, laakin ragga aan kor kusoo sheegay ma qancin oo way iskaga bexeen ururka, waxayna u arkeen sadbursi inuu ka dhex socdo Itixaadka dhexdiisa.

Isla waqtigaas mudo yar ka dib waxa la galay doorasho Shuurada Itixaad, waxana Muqdisho raggii kasoo baxay ugu batay mar kale beesha Daarood. Sidii lagu yaqaanay beesha Isaaq waa iska samreen, waxaase dood iyo dacwo kale keenay xubno ka tirsan beesha Hawiye oo ay hormuud ka yihiin Sh. Cali-Wajiis iyo Sh. Xasan Calasow. Qilaaf kale oo kii hore ka wayn ayaa hadana ka dhex dhashay ururkii Itixaadka. Inkastoo la heshiiyay hadana boogtii ma biskoon oo ugu dambayntii labada Shiikh ee kore waa ka bexeen ururkii Itixaad inkastoo ay kala dambeeyeen.

Waxa xigay sanadkii 1988 in dagaalo xoog leh ay ka dheceen gobolada waqooyi, dagaaladaso u dhexeeyay jabhaddii SNM iyo dowladdii xiligaas jirtay. Waatii dadka waqooyigu ay wada qexeen oo diyaarado lagu duqeeyay, magaalooyinkiina ay burbureen. Dhalinyaro ka tirsan beesha Isaaq ayaa soo jeediyay in la bilaabo Jihaadkii lagu balamay oo "dowladaan gaalada ah laga celiyo shacabka Muslimiinta ah" waa sida ay hadalka u dhigeene. Lakin waa lagu diiday arinkaas waxana go’aan ay ku gaareen xubnihii Shuurada Itixaadku in dagaalka u dhexeeya dowladda iyo jabhadaha uu fitno yahay oo aan la dhex galin, banaan kana laga joogo. Dhalinyaradii Isaaq iyagoo u arka go’aankaas inuu qalad yahay hadana way u hogaansameen amarka ururkooda oo ma aysan galin dagaalkii Waqooyiga. Waxaan u tagi doonaa sannadka 1991 in balankaas la jabiyay oo raggii diiday in la galo dagaalka 1988 ay iyagu saxiixeen kaligood dagaalkii 1991 dhex maray Itixaadka iyo jabhaddii USC, iyagoo aan fasax waydiisan Shuurada Itixaadka.

Bartamihii sannadkii 1990 markii ay taagdaraysay dowladdii Kacaanku jabhadihiina ay dagaal kulul ka wadaan gobolada, wuxu madaxweyne Siyaad Barre sheegay inuu wadanka ku dabaalayo nidaamka dimuqraadiga uuna ogolaanayo in la furto xisbiyo siyaasaded. Shir degdeg ah oo Shuurada Itixaadku ay iskugu timid waxay go’aan ku gaareen inay markaan banaanka keenaan sirtii u qarsoonayd mudada dheer oo ay sheegaan inay yihiin xisbi siyaasi ah oo Diini ah, ayna ka qaybgali doonaan doorashooyinka dimuqraadiga ah ee dowladdu ay ku dhawaaqday. Ururku wuxu diyaariyay nidaamkiisa siyaasiga ah, waxana la guda galay in la xulo xubnaha loo sharixi doono doorashooyinka dowladu ay qaban doonto. Bishii September 1990 Sh. Max’ed Cabdi Daahir oo daganaa London, Ingiriiska ayaa BBC siiyay waraysi uu ku cadeeyay arimaha kore. Laakin nasiib daro saddex bilood kadib waxa Muqdisho ka qarxay dagaalkii USC iyo dowladda.

Qaybta soo socota ayan ku faahfaahin doonaa dagaaladaas iyo sidii Itixaadku uga qaby qaatay, waxanse qaybtaan kusoo gabagabaynayaa ururo cusub oo samaysmay waqtigaan. Ragii Hawiye ka carooday safarkii Suudaan ee aan kor kusoo sheegnay Sh. C/raxmaan Abtiyoow, Sh. Sh. Siciid-Gurey (Rabi ha u naxariisto) iyo rag kale, oo ka baxay Itixaadka waxay samaysteen urur cusub oo ay u bixiyeen Ansaar A-Sunah. Sidoo kale rag u dhashay beesha Isaaq oo ka carooday in dagaalkii 1988 la diiday, lana galay kii 1991 sidaan u tagi doono waa iskaga bexeen Itixaadka waxayna dib ugu laabteen ururkii ka dhisnaa Waqooyiga ee Waxdatu Shabaab. Waxa kaloo iyana kala jabay ururkii Ikhwaan Muslimiin (Aala-Shiikh) oo noqday laba garab oo ay kala hogaamiyaan Jaangoow iyo Xuseen Koofile. Halkaas waxa ku samaysmay 7 urur oo Diini ah.

silsilada@gmail.com  

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
1.20
Powered by Vivvo CMS v4.0