Qaybta 10aad: Silsilada Taariikhda Ururada Diiniga Ah Ee Soomaliya.
Qaybta 10aad. Burburkii Itixaadka:
Waxan kusoo jirnay sababihii keenay burburka Itixaad iyo cidii ka mas’uulka ahayd burburkaas. Ururka waxa u qornaa sharci iyo balan uu kala galay in la raaco, waxa ka mid ahaa sharcigaas inaan ururka lagu soo dari karin qof uusan soo ogolaan golaha shuurada ururka. Qofka lagu soo darayo ururka waa inuusan balwad lahayn, diinta ku dhaqmaa, mudo lagu soo tarbiyeeyo gacanta xubnaha ururka qaarkood, si ay usoo ogaadaan ciladihiisa, sida inuu qabyaalad ku dhaqmo iyo in kale. Sharciyadaas qaarkood waa la jabiyay oo waxa lagu soo daray ururka rag aan kasoo gudbin shuraadaha kore oo dhan. Tusaale ahaan wadaad la yiraahdo Sh. Max’ed Xaaji Yusuf oo mudo kooban madax ka noqday maamulkii Itixaadka ee gobolka Gedo sanadkii 1996-97 markii la soo bandhigay xaafada Huriwaa maamulkii xaafadaas way diideen in lagu soo daro ururka iyagoo ku eedeeyay ku dhaqanka qabyaaladda. Mudo kadib Sh. Max’ed wuxu aaday Sucuudiga, waxaana looga soo daray ururka magaalada Maka iyadoo xubnihii ururka ee joogay magaaladaas aysan ogolaansho waydiisan golaha Shuurada. Arinkaasna wuxu keenay cuqdad iyo cabasho kala dhexgashay qabaa’ishii ururka ka wada tirsanayd.
Arinka kale ee ka qayb qaatay burburkii Itixaad waxa ka mid ahaa in madaxda Itixaadku ay u ogolaadeen xubnihii Itixaadka ee u dhashay dhulka Ogadeenya inay ka madaxbanaanaadaan ururka maamulkiisa oo go’aamadooda ay gooni u gaari karaan, marka laga reebo dhanka dhaqaalaha, taasina waxay keentay in gobolkaas si shuruud la’aan ah loogu soo daro dadka dagaanka ururka Itixaad. Waxa lasoo sheegaa in qofkii tukada la oran jiray, ma ogoshahay in shareecada Islaamka la isku xukumo, haddii uu haa yiraahdana horay looga qaadi jiray beecada ururka lagu galo.
Shirkii shuurada Itixaadka 1991 ee Jabuuti, Itixaadkii Waqooyiga ayaa soo dalbaday in iyagana la siiyo madaxbanaani kooban oo gaar ah, maadaama koonfurta wali dagaalo kasocdaan, waqooyiguna xoogaa xasiloon yahay, waase laga diiday. Waxay ku doodeen in Itixaadka Ogadeenya loo ogolaaday dalabkoodii ahaa madaxbanaanida gudaha, lakin way ku guulaysan waayeen in madaxdii Itixaadka ay ka helaan dalabkooda. Arimahaan oo dhan waxay ka mid yihiin arimihii keenay kala taga iyo burburka Itixaadka, oo rag badan ayaa u arkay in meesha ay ka jirto sadbursi iyo nin jeclaysi.
Diyaargarowgii dagaalada ee ururka Itixaadka:
Markii ay taagdaraysay dowladii Somaliya ayna bateen dagaaladii jabhadaha, waqooyi ay si wayn uga dagaalayso SNM, gobolada dhexana ay USC dagaal ka bilowday ururka Itixaad wuxu dardar galiyay xafiiskii Jihaadka. Waxa xusid mudan sidaan kor kusoo sheegnay in dhalintii waqooyiga laga diiday inay ka dagaalamaan dhulkooda oo dowladda kasoo horjeestaan. Markii madaxda ururku ay arkeen in jabhuhu ay kusoo socdaan Muqdisho, waxay go'aan aan loo dhamayn ku gaareen in la diyaariyo ciidamo ka qayb qaata dagaalada lagu doonayo kursiga hogaaminta Somaliya. Magaalada Muqdisho dhexdeeda waxa laga furay guryo lagu baro dhalinyarada qoryaha fudfudud iyo xeeladaha dagaalka. Waxa kale oo la diray rag ciidamada ku jiray Itixaadna ahaa si ay usoo sahmiyaan gobol xoog lagu qabsado oo loo raro dhamaan xubnaha Itixaadka, xaasaskooda iyo caruurtooda kadibna halkaas laga dhigto xarun la difaacdo, lagana soo faafo markaas kadib ilaa Somaliya oo dhan ay ka qabsadaan. Raggii sahanka loo diray oo aan ka xasuusto Xasan-Mahdi iyo C/casiis Guureeye waxay jawaab kusoo celiyeen saddex gobol oo ay u arkeen inay muhiim yihiin oo kala ah Jubada Hoose, Hiiraan iyo Bari. Gobolka Bari waxay galiyeen kaalinta koowaad, waxayna sabab uga dhigeen halka uu dhaco oo ah dhul buuraley ah, togog biyo maraan leh, xeeb dheer leh, dhulka carabtana daris la ah oo ay ka heli karaan gurmad nooc walba ah.
Waa la isku qilaafay in laga guuro Muqdisho oo la qabsado gobol, waxana raggii diiday ay sabab ka dhigteen inaysan u haboonayn ururka Itixaad inuu ka qayb qaato dagaalada Somalida dhexdeeda ah oo u muuqda kuwo qaab qabiil ku socda, waxayna talo kusoo jeediyeen in lagu joogo go'aankii 1988 oo ahaa inaan la dhex galin dagaalka ka dhex socda dowladda iyo SNM. Intii ay socotay doodaas waxa si lama filaan ah Muqdisho uga qarxay dagaalkii USC iyo dowladda, waxayna xubnihii ururka Itixaad noqdeen kuwo kala qaxay oo nin walba uu aaday halka reerkiisu uu aaday.
Kala bar xubnihii Itixaadku waxay u qexeen Kismaayo, halka barka kalana ay ku hareen Muqdisho. Intii uusan Siyaad Barre kasoo bixin Muqdisho waxa laga bilaabay Kismaayo diyaargarow ciidan, waxaana goob tababar laga dhigay guri ku yiilay xaafada Calanleey oo uu lahaa nin lagu magacaabo Col. Max'ud Rashid (Kabsha) (Rabi ha u naxariistee) oo u dhashay beesha Wabeeneeye, Majeerteen. Gurigaan oo ahaa dugsi quraan ayaa loo badalay mucaskar ciidan. Col. Max'ud Kabsha oo ka tirsanaa ururka Itixaad wuxu ka mid ahaa saraakiishii Majeerteen ee iskudayday afgambigii dhicisoobay ee 9kii April 1978, wuxuna ahaa sarkaalkii ka hadlay idaacada war-laliska ee Dayniile kuna dhawaaqay inay la wareegeen xukunkii dalka. Col. Max'ud wuxu u hibeeyay gurigiisa in lagu tababaro dhalinyarada Itixaadka, waxana howsha tababarka dhalinyradaas loo dhiibay laba nin oo u dhashay beesha Isaaq kana soo laabtay Jihaadka Afgaanistaan mudadaas. Waxay kala ahaayeen Aadan Ducaale oo aanan ogayn halka uu ku dambeeyay iyo Ibraahim X. Jaamac Meecaad (Ibraahim-Afgaan) oo waqtigaan ah gudoomiyaha magaalada Kismaayo ee maamulka Al-Shabaab kuna howlgala magaca ah Sh. Abuubakar Al-Zaylici. Labaduba waxay ka tirsanaayeen Itixaadka xiligaas.
Iyadoo dugsigaas lagu tababaro dhalinyaradii Itixaadka ayaa Max'ed Siyad Barre uu yimid Kismaayo inkastoo uusan joogin mudo badan, waxana magaalada soo camiray dad kasoo barakacay USC-da Muqdisho qabsatay. Dhalinyaradii Itixaadka oo kusoo badatay Kismaayo iyo dhalinyaro cusub oo markaas lagu soo daray ayaa buux-dhaafiyay dugsigii tababarka, waxayna Itixaadku u wareegeen xero ciidan oo la yiraahdo Guul-Wade oo ku tiilay Kismaayo. Waxa xusid mudan in magaalada ay joogaan xiligaan dhamaan madaxdii dowladii dhacday ee u dhashay beesha Daarood. Waxa dagaalku markaan isku rogay mid qabiil maadaama USC ay Muqdisho ku nabadgalisay dhamaan xubnihii Hawiye ee ka tirsanaa dowladdii Siyaad Barre. Hogaanka dagaalka labada beelood waxa kala hogaaminayay waqtigaan Gen. Neero oo Abgaal ahaa iyo Gen. Moorgan oo Majeerteen ah. Waxana la isku ceyrsanayaa inta u dhaxaysa Kismaayo iyo Afgooye oo marba qolo ceyro lagu geeyaa dhinaca kale.
Odayaashii Itixaad ee beesha Daarood waxay olole u galeen in dagaalkan ay ka dhigaan Jihaad, waxayna xoogooda iskugu geeyeen sidii ay uga sharciyaysan lahaayeen hogaanka sare ee Itixaadka. Waxay Kismaayo keeneen oo Muqdisho uga yeereen amiirkii Itixaadka ee xiligaas Sh. Cali Warsame oo Isaaq u dhashay, waxay usoo bandhigeen awoodooda, waxayna ka codsadeen inuu u saxiixo inay gali karaan dagaalka haddii USC ay Kismaayo usoo dhawaato mar kale. Sh. Cali Warsame oo ku farxay awooda ciidanka Itixaadka ayaa qalinka ugu duugay codsigoodii, wuxuna dib ugu laabtay Muqdisho isaga iyo raggii la socday oo aan ka xasuusto Macalim Max'ud oo beesha Mareexaan u dhashay. Ogolaanshaha Sh. Cali Warsame wuxu dardar galiyay ciidankii Itixaadka waxayna damceen inay ku faafaan magaalada Kismaayo oo dhan oo tartiib ku qabsadaan, meelihii ay isku dayeen waxa ka mid ahaa idaacada Kismaayo, waxaase u diiday Gen. Aadan Gabyow, wax dagaal ahna halkaas kama uusan dhicin. Raga waday ololaha xooga leh waxa ka mid ahaa C/lahi Raabi, Max'ud Ciise Siciid Abu-Muxsin, (Rabi ha u naxariistee) Xuseen Cabdule Codweyn, Sh. Daahir Cabdi (Indhabuur)C/raxman Max'ed Jibriil, Dalmar Guureeye Kaarshe, C/lahi Cali Xaashi.
Ciidamadii Daarood oo ay wataan Gen. Moorgan iyo Gen. Gabyow waxay si fiican usoo riixeen kuwii USC ilaa ay soo dhaafsiiyeen Afgooye oo ay qabsadeen xaruntii Carbiska oo Muqdisho u jirtay 20km. Markuu dagaalku halkaas marayo ayay odayaashii Hawiye ku qasbeen inuu dagaalka hogaamiyo Gen. Caydiid oo wixii intaas ka horeeyay ka caraysnaa Cali Mahdi oo USC ay u magacaabeen madaxweyne. Rogaal celintii Hawiye oo uu hogaaminayo Gen. Caydid waxay gaareen duleedka Kismaayo halka lagu magacaabo buundada Araare. Ciidamadii Itixaadka ee uu tababaray Ibraahim Afgaan safkii hore ee dagaalka ayay soo galeen, waxayna difaac ka galeen buundada, halka ciidankii Moorgan iyo Gabyowna la geeyay dhanka bidixda oo difaac adag ay ka galeen. Isku daygii ugu horeeyay ee USC-da Gen. Caydiid ay u dhaqaaqeen waa lasoo jabshay, wuxuna ogaaday in ciidankii uu la diriray ciidan aan ahayn ay difaaca hore soo galeen, dib ayuuna usoo gurtay dhanka Jilib. Isagoo diyaar garow adag ku jira ayaa xubnihii Itixaadka ee Muqdisho waxay soo direen shan nin oo afar ka mid ah ay yihiin Itaxaad, midka haray oo ah Sh. C/lahi Lakari-na kama uusan tirsanayn Itixaadka. Afarta kale waxay ahaayeen Sh. Xasan Daahir Aweys, iyo walaalkiis Dr. Max’ed Daahir Aweys (Rabi ha u naxariistee)Sh. Xasan Calasow iyo Sh. C/lahi Axmed Sahal (Rabi ha u naxariistee)
La soco qaybta dambe, kulankii dhex maray ragaas iyo Gen. Caydiid.
Wixi su'aalo iyo talo ah: silsilada@gmail.com



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment