Home | Somali News | Su'aal Iyo Jawaab: Calanka Madow Ee Al-Qaacida Xagee Diinta Uga Jiraa?

Su'aal Iyo Jawaab: Calanka Madow Ee Al-Qaacida Xagee Diinta Uga Jiraa?

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Su'aal: Calanka madow ee ay isticmalaan al shabaab ma sunnaa oo nabiga calanka dagaalada uu qadan jiray madow miyuu ahaa?

Jawaab:

Abuudaawuud iyo geyrkiiba waxay ka weriyeen jaabir: in calanka Rasuulku (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) uu ahaa caddaan maalintuu makka galay.

Sheikh Albaani wuxuu yiri xadiithku waa saxiix (saxiix abiidaawuud, Nr. 2592).

Waxaa kaloo abuudaawuud iyo geyrkiiba weriyeen in bandiiradda Rasuulka Alle (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye)

Ay ahayd mid madaw oo afar gees is la'eg ah, xarxarriiqimo cadna leh. Sheikh albaanina waa saxiix buu yiri marka laga reebo afargeeska.(saxiix abiidaawuud, Nr. 2591) .

Haddaba midabka cadi waa uu sugnaaday, madowga la sheegayna ma ahayn mid wada mugdi ah ee cadcaddaan baa ku jiray. Sharaxa saxiixu muslim waxaa ku yaal in raayadu ay tahay calanka yar, liwaaguna yahay kan weyn. Waxaana loogu tala galay in lugu aqoonsado meesha ninka madaxda ahi joogo si loogu soo hirto marki loo baahdo.

Haddaba waxaan halkaa ka fahamnay in marba si uu ahaa midabka calanku. Waxyaabaha Rasuulka Alle (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) looga daydaana way badan yihiin, waxaase muhim ah in qofku caqiiddada iyo camalkaba hagaajiyo, muslinkuna ka nabadgalaan gacantiisa iyo carrabkiisaba.

Nimanka khawaarijta la yiraahdo, ee saxaaba badan gaalnimo ku xukumay, oo bidcada ay la yimaadeen qofka ku diida gaal baa tahay yiri, oo saxaabada ku khilaafay wax badan oo ka mid fasiraadda quraanka iyo xadiithka, Rasuulka Alle (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) wuxuu sheegay in ay bani'aadan suu u dhan yahay ay u xun yihiin, duul la dilana ay ugu liitaan.

Sidaasoo ay tahay wuxuu sheegay Rasuulka Alle (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) in ay salaadda iyo soonka aad ugu dadaalaan, oo saxaabadii ayuu ku yiri: waad yaraysanaysaan salaaddiinna iyo soonkiinna iyo quraan akhriskiinnaba marka tooda la barbar dhigo, haddana wuxuu yiri: quraanka ayay akhrinayaan, kalxamahoodase ma dhaafo, oo hoos uma ridna.

Marka yaan lugu kadsoomin muuqaal, calanna lama barbar dhigi karo salaad, soon, quraan akhris, haddana dad ku dadaalay ayaa dhibkaa laga sheegay, qofku waa in uu naftiisa u baqaa.

Ubay ibn kacb wuxuu yiri: dhexdhexaadnimo ay sunno iyo dariiqii oo lugu joogo ku dheehan tahay ayaa ka wanaagsan dadaal badan oo aan sunnadi iyo jidki toosnaa waafaqsanayn.(fiiri: sharx usuul ictiqaad ahli sunnah, laalakaa'i 1:60)
 

Khawaarijtu waxay sheegteen in ay kitaabka Alle weyneynayaan, oo ay dabbaqaaddiisa dadka kula dirirayaan, shiicaduna waxay sheegatay in ay weyneeyaan aalu baytka, labada qolana Kama run sheegin waxa ay sheegteen. (Fiiri fataawada ibn taymiyah 13:210).

Wuxuu kaloo isla mujalladkaa ku sheegay bogga 243aad in qofki quraanka iyo xadiithka u fasirta si ka duwan tafsiirkii ay saxaabada iyo taabiciintu yaqaanneen, ninkaasi waa nin Allaah ku been abuurtay, aayadaha Allana ilxaad ku sameeyay, hadalkana ka leexiyay meeshiisii, arrintaasina waa furid la furaayo albaabka gaalnimada iyo mulxidnimada, arrintaasina waa arrin sidi qorraxdi oo kale ugu cad diinta oo aan shaki yarina ku jirin. Halkaas ayuu ku dhammaaday warka ibn taymiyyah.

Teeda kale xaggee lugu arkay muslin lala jihaadayo. Muslinka koodii la yimaada wax uu dil ku mutaysto, imaamka muslimiinta ayaa ku fuliya, haddii kale qof walba intuu qofka kale dilo ayuu leeyahay dil buu mutaystay, haddii aan madaxda looga danbeyn fitna aan joogsan baa ka dhalanaysa. (fiiri: usuuluddiin, abuumansuur al bagdaadi: 340, mukhtasarulfataawalmisriyyah, ibntaymiyyah:580). Sidoo kale kooxdii la timaadda wax ay ku mutaysato dagaal waxaa wax ka qabashadeeda iska leh imaamki muslimiinta, haddii kale kooxuhu waa ay is dhammeynayaan, mid walbaahi midda kale qiil bay u raadsanaysaa.qofkii aan Allaah ka cabsanaynna qiil ma waayo.(sharx saxiix  muslim. Nawawi:2/25).

Rasuulku (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) wuxuu Na baray in gaalada loola dagaallamayo in ay laa'ilaaha illallaahu yiraahdaan, salaaddana oogaan, sakadana bixiyaan, wuxuu yiri: haddii ay sidaa sameeyaan dhiiggooda iyo xoolahooduba waa ay naga reebban yihiin. Aayadaha iyo axaadiithtu waxay aad u adkeeyeen dhiigga muslinka in la daadiyo, waxayna sheegeen dambi ka weyni inaanu jirin marka shirkiga laga yimaaddo. Waxaa isweydiin mudan: yaa jihaadaya? Ma dowlad mise kooxo? Yaase lala jihaadayaa? Ma muslim mise gaalo? Gaalada lala dagaallamayaa ma dhammaantood baa mise kii heshiis noo dhexeeyo kuma jiro? Dhulka uu jihaadku ka dhacayo ma kii muslinku degganaa baa oo ay Allaah ku caabudayeen, mise waa dhulka ay deggan yihiin dadka aan xeradaba soo gelin, wax heshiis ah oo noo dhexeeyana aanay jirin?

Jihaadku isaga soo bood ma ahan, wax Baraka ahna luguma arag jihaadka shabaabka iyo ragga la midka ahi wadaan. Muslinku dullinnimo uun ayuu ka kororsaday. Haddaba inta aan laga hadlin calanka midabkiisa, ha laga hadlo su'aalahaas.
Tixraac: http://www.manhajonline.com/calanka-madow.htm

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
2.00
Powered by Vivvo CMS v4.0