Home | Somali News | Sh. Indhacade: Diintii Iyo Xornimadiiba Waa Nalaga Qabsaday.

Sh. Indhacade: Diintii Iyo Xornimadiiba Waa Nalaga Qabsaday.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Sh. Yusuf Max'ed Siyad Indhacade oo xalay ka hadlay xaflada xuska 1da Luulyo ayaa sheegay in xornimadii iyo diintii Soomalida ay afduubteen koox uu ku sheegay inay kaligood isku arkaan Muslimiin. Kooxdaan oo uu ula jeedo Al-Shabaab ayuu ku tilmaamay inay badaleen calankii Soomaliya oo maanta loo dabaal dagayo xornimadiisa.

"Waa tukanaynaa... salaadinu waa qalad... waa jihaadaynaa... jihaadkina waxba kama jiraan... dalkeenaan xoraysanaynaa... xornimo wax la yirahdo ma jirto... ayaan lasoo istaagtay kooxdaas" ayuu yiri Sh. Indhacade. Mar uu ka hadlayay  hadalkii sanadkan horaantiisa kasoo yeeray Usama Bin-Ladin oo ahaa in la rido dowladda Islaamiga ah ee Soomaliya, ayuu ku sheegay Sh. Indhacade mid gaf ku ah Islaanimada iyo Soomalidaba, wuxuna ugu baaqay Usama inuu Rabigiis u toowbad keeno, farahana kala baxo arimaha Soomaliya.

Qilaafka Al-Shabaab iyo Sh. Indhacade ayaa soo bilowday sanadkii hore xiligii ay dalka haysteen ciidamada Itoobiya, waxayna dhowr mar isku dayeen inay dilaan Sh. Indhacade oo ka badbaaday isku dayadaas.  

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0