Odayaasha Hawiye Oo Markale Ka Digay Gumaysi Soomaliya...
Gudoomiyaha dhaqanka iyo midnimada odayasha Hawiye Max'ed Xasan Xaad oo ka hadlay maalinta qaranimada Soomaliye ee 1da Luulyo ayaa ku celiyay hadalkoodii ahaa inaan dalka loo gacan galin gumaysi mar kale, oo dhinacyada is haya ay ka heshiiyaan qilaafkooda si cadaalad ahna ay u qaybsadaan talada dalka.
Odayaasha Hawiye oo markaan ayaa soo yaraatay saamaynta ay ku leeyihiin bulshada iyo siyaasada Soomaliya ayaa kusoo aruuray baaq afka ah oo aysan dabada socon wax talaabo ah oo ku dhaqaaqayaan, waana markii shanaad ee ay ku celiyaan hadalkan. Xoogaga mucaaradka ah ayaa u jeediyay hanjabaado odayaasha Hawiye haddii aysan ka dhex bixin siyaasada Soomaliya iyo taageerada ay siinayaan dowladda, taasoo keentay inay gaabsadaan odayaashu. Mana jirto ilaa iyo hada hadal cad oo ay ku sheegeen cidda qaldan si dadwaynuhu ay ugu qancaan wax qabadkooda.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment