Home | Somali News | Xisbul Islaam Oo Cafis U Fidiyay Maamulkii Hore Ee Gedo.

Xisbul Islaam Oo Cafis U Fidiyay Maamulkii Hore Ee Gedo.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Afhayeenka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay cafis buuxa u fidinayaan maamulkii hore ee gobolkaas oo hada magan galyo siyaasadeed ku jooga gudaha Itoobiya. Afhayeenku wuxu sheegay in walaalaha magan galay Itoobiya ay u haboon tahay inay soo magan galaan walaahooda Xisbul Islaam oo u balan qaadaya inay nabad galin doonaan.

Go'aankan ayaan la ogayn sida ay u aqbali doonaan ururka Al-Shabaab oo ay ka go'an tahay inay dilaan cid walba oo la shaqayn jirtay maamuladii dowladii hore iyo kuwa dowladan hada jirtaba. Waxa la filayaa in xoogaga Al-Shabaab ay ka jawaabaan arinkaas, inkastoo ragga loo fidiyay cafiska ay ku adkaan doonto inay dib ugu soo noqdaan gobolka Gedo mar hadii aysan isku raacin labada urur cafiskaas.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0