Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Soo Dagay Duleedka Baladweyne.
Kadib markii madaxdii golihii Maxaakimta ay iskaga bexeen magaalada Baladweyne oo qaarkoodna ay ku biireen ururka Xisbul Islaam ayaa lasoo sheegayaa in magaaladaas ay u gacan gashay hadda maamulkii hore ee dowladdii Imbagati ayna hada hormuud ka yihiin Yusuf Dabageed iyo Aadan Garaase. Xoogagii Al-Shabaab ee qarxiyay Cumar Xaashi ayaan wax saamayn ah ku lahayn gobolka Hiiraan. Qaraxoodiina wuxu keenay inay halkaas iskaga baxaan Maxaakimtii, magaaladina ay u gacan gasho maamulkii hore.
Waxaa muuqata in maamulka cusub ee Hiiraan ay durbadiiba u yeerteen ciidamado Itoobiyaan ah oo soo dagay hada duleedka magaalada Baladweyne, waxana dhici karta inay gudaha magaalada usoo galaan si ay uga fuliyaan howl gal lagu baadi goobayo xubnaha Al-Shabaab ee howl galada ka fuliya gudaha magaaladaas.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment