Shirkad Gaar Ah Oo Maamuli Doonta Lacagta Dowladda Soomaliya.
Todobaadkan horaantiisi waxa heshiis kala saxiixday dowladda midnimo qaran iyo shirkad xisaabaad (accoutant) oo laga leeyahay dalka Ingiriiska. Shirkadan oo lagu magacaabo PricewaterhouseCoopers ayaa maamuli doonta lacagta ay yabooheen deeq-bixiyayaashu oo tiradeeda lagu sheegay 213 Milyan oo dollar. Heshiiskan oo uu sheegay wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa la gudoonsiiyay shirkada xisaabaadka ugu wayn aduunka, oo uu ku sheegay inay tahay shirkad sumcad wanaagsan leh.
Heshiiskan ayaa ka dambeeyay kadib markii wadamadii bixin lahaa lacagtaas ay sheegeen inaysan ku aamini karin dowladda Soomaliya lacag intaas le'eg, maadaama ay horay u dhunsadeen maamuladii ka horeeyay malaayiin dollar oo deeq loo siiyay Soomalida. Shirkadda PricewaterhouseCoopers oo sanadkii hore soo xaraysatay dakhli gaaraya 28.2 bilyan oo dollar, waxa u shaqeeya 155,000 oo qof oo ka howl gala 150 wadan. Shirkadan ayaa maamuli doonta miisaaniyadda dowladda oo laba bilood ka hor lagu sheegay $3.6 Milyan bishii, oo lagu bixin doono mushaarada ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.
Lama sheegin lacagta dowladda Soomalidu ay siin doonto shirkadaas, oo ah shirkada ugu dakhliga badan shirkadaha xisaabaadka (accountancy) aduunka. Waxan hoos kusoo bandhigaynaa afarta shirkadood ee ugu wayn xirfadaan iyo dakhliga ay soo xareeyeen sanadkii 2008
| Firm | Revenues | Employees | Fiscal Year | Source |
|---|---|---|---|---|
| PricewaterhouseCoopers | $28.2bn | 155,693 | 2008 | [1] |
| Deloitte Touche Tohmatsu | $27.4bn | 165,000 | 2008 | [2] |
| Ernst & Young | $24.5bn | 135,000 | 2008 | [3] |
| KPMG | $22.7bn | 137,000 | 2008 | [4] |



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment