Links
Somali Radio
Sections
Horjooge Xisbul Islam Oo Lagu Dilay Ceelasha Biyaha
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Horjooge ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa goordhow waxaa lagu dilay inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmad Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Marxuumanki lagu magacaabi jiray Daalibaan wuxuuna ka mid ahaa Horjoogayaasha Raskambooni ee gurmadka u yimid wuxuuna ka howl geli jiray aagaga magaalada Muqdisho, wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo wajiyada soo qarsaday watayna gaari Roonet ah ay ku toogteen degaanka ceelsha biyaha ee inta u dhaxeysay Muqdisho & Afgooye.
Wararka qaar ayaa waxa ay tibaaxayaan in 2-qof oo kale oo kamid ahaa dadkii gaariga la saarnaa Sarkaalka geeryooday ay iyana geeryoodeen mid kalana uu dhaawac soo gaaray. Deegaanada lagu barakacay ee inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa xaaladeedu waxa ay haatan tahay mid kacsan sida ay wararku tilmaamayaan iyadoona halkaasi lagu arkayo gaadiid dagaal oo wataan Maleeshiyaadka Ururka Xisbil Islaam.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Horjoogayaasha Ururka Xisbul Islaam oo ku aadan dilkan loo gaystay Horjoogahani ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam ee magaciisa lagu soo gaabiyay Daalibaan.
Rate this article



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment