Home | Somali News | Xiisado Colaadeed Oo Laga Dareemay Mudug

Xiisado Colaadeed Oo Laga Dareemay Mudug

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka naga soo gaaraya degaanka Saxa qurun oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad colaadeed laga dareemay deegaanka kadib markii ay halkaasi isku dileen laba nin oo reer Miyi ah.

Deegaanka Saaxa qurun oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in laba nin oo hubeeysan  oo reer miyi ah ay halkaasi isku rasaaseeyen kadibna ay labadiiba geeriyoodeen.

Arintan ayaa ka danbeeysay muran dhexmaray labadaasi nin, kaas oo sababay in ay is dilaan labadiiba, waxaana haatan laga dareemayaa deegaankaasi sasaan colaadeed oo u dhaxeeysa labadii Beelood oo ay ka soo jeeden raga geeriyooday.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ayaa ku howlan sidii loo baajin lahaa colaad ka dhalata arintaasi, taas oo u dhaxeeysa labada beelood ee wada dega halkaasi kuwaas oo ay ka soo jeedaan raga geeriyooday.

Colaadaha Beelaha miyaha ayaa inta badan waxa ay ka dhalataa muran ku saabsan daaqa iyo Ceelbiyoodyada, taas oo galaafata nolosha dad badan oo aan shaqo ku laheeyn dagaaladaasi,  kuwaas oo loo dilo arimo la xiriira aano qabiil.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0