Horjoogayaal Xisbiga Oo Kenya Ku Dhuumaaleysanaayo
Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay ilo xogogaal ah oo ku dhow Horjogayaal & taageerayaal ka trisan Xisbiga Xasan Daahir ayaa sheegaya in xubno badan oo ka tirsan Horjoogayaasha Xisbigaasi ay ka baxsanaayeen dilalaka qorsheysan & ugaarsiga weerarada gaadmada ah oo ay ku hayaan Maleeshiyaadka Shababka.
Xogtaan ayaa tilmaamtay in kadib markii ay ka baxsadeen Cumar Imaan, Muuse Carraale ayaa la sheegay in hadda ay soo food saartay cabsi xoogan Hojoogayaasha Xisbiga waxaana la sheegay in si gaar ah ay Maleeshiyaadka wax khaarijiya ee shababka ay u ugaarsanayaan Xubnaha ka soo jeeda Beesha Ogaadeen & kuwa Ceyr ee ka tirsan Xisbiga, xubnaha baxsaday ayaa la sheegay iney qaxootinimo ugu nool dalka Kenya, Ugandha & Suudaan.
Horjoogayaasha baxsaday ayaa la sheegay iney ka mid yihiin Maxamed Macalin oo ka soo jeeda Jufada Beesha Ayaanle ee Ceyr, horeyna looga qaaday Afhayeenka Xisbiga kadib markii ay dalbadeen Horjoogayaasha Shababka in laga qaado, wuxuuna hadda si xaafada Islii gaar ahaan agagaarka wadada 12st.
Horjoogae Cabdiraxmaan Macoow Wakiilkii Hiiraan ee Xsibiga kana soo jeeda Jufada Cali Madaxweyne ee Xawaadle, ayaa sidoo kale dhuumasho ku jooga magaalada Neyroobi waxaana la sheegay inuu ka dhoofay magaalada gaalkacyo isagoo gacan ka helay xubno ay qaraabo yihiin kadib markii dal ku gal looga soo dhameeyay waaxda Socdaalka ee Dalka Kenya, Cabulqaadir Xaaji Dhaqane ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnihii ka baxsaday Xisbiga wuxuuna ku nool yahay magaalada Neyroobi, isagoo la sheegay inuu dhinaca waxrashada ka helay Macahd ku yaal magaalada Neyroobi. sidoo kale Cabdinaasir Seeraar ayaa la sheegay inuu siagana ka mid ahaa xubnihii dhowaan baxsaday, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii Kooxda Ogaadeen ee Raskambooni ka soo galay.
Horjoogayaashani ayaa la sheegay iney ku adkaatay nolosha degaanada ceelsha biyaha & degmada Afgooye, xubnaha qaarkood ayaa la sheegay iney ka dhoofeen garoonka magaalada Muqdisho, kadib markii ay gacan ka heleen Xubnaha MMI-da ee Dowlada ka tirsan.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment