Weerar Is-miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho
Weerar qarax Ismiidaamin ah ayaa goor sii horeysay ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Muna ee degmada X/weyne, kaasi oo sida la sheegay ay ku geeriyoodeen dad badan kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari Kaarib ah oo laga soo buuxiyay Walaxaha qarxa waxa uuna ku qarxay dhabarka danbe ee Hotel Muna ee degmada X/weyne, iaydoo lagu soo waramayo in uu ka dhashay qasaare badan, in kastoo aan la xaqiijin weli.
Goob jooge ka mid ah Dadka goobta ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacaya ayaa inoo xaqiijiyay in dhabarka dambe ee Hotel Muna, gaar ahaan Baar Fatxi oo ay ku qaxweenayeen Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ee Soomaliya iyo dad aad u badan uu saameeyay, iyadoo dadkii halkaasi ku sugnaa ay Geeriyoodeen halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxaan ayaa la sheegay iney soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Shababka oo waahayaan dambe ay awoodoodii aad u wiiqantay, isla markaasna aney ka faa'iideysan Saraakisha sare Dowlada KMG ah hoos u dhaca ku yimid kooxda shababka oo sidoo kale khilaafyo dhexdooda ah ay ragaadiyeen.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment