Jihaadkii Oo Loo Weeciyay Burburinta Qabuuraha
Muqdisho,26-Dece-08:-Kadib markii ay inta badan Gobolada Konfurta & kuwa dhexe ay isku balaariyeen Maleeshiyaadka Xarakada Al-Shabaab, isla markaasna aysan ilaa hadda Shacbiga Soomaaliyeed u soo bandhigin barnaamij ku saleysan hadafkooda siyaasadeed & halka ay hiigsanaayaan, waxeyna xeel dheerayaal ku tilmaameen in Dhaliyaradani in Horjoogayaashooda ay u muuqaan kuwa la marin habaabiyay oo aamisan in xalku uu ku jiro dhumucda rasaaseed, Soomaali lagu gaarsiiyo farintooda Ak47-ka.
Kooxdani & kuwa la magac baxay Dugsiga raskamboni ayaa dhowaanahaani waxey ku mashquulsanaayeen sidii burburin lahaa qabuuraha Islaamka, dhaqankaani oo sida muuqata laga soo minguuriyay xagjirayaasha Naziga ee Yururb & Amerika kuwaa ku mashquulsan sidii ay u burburin lahaayeen Masaajida & qabuuraha Yuhuuda & islaamka, ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii ay u barakicin lahaayeen shucuubta ka soo haajirtay Africa & bariga Dhexe.Balse,Kooxahaani al-Shabaab iyo Raas Kambooni, oo Horjoogayaashooda oo ay ka baaqsadeen iney Shacbiga u sheegeen ujeedada ka dambeysa halganka hubeysan ee ay ka wadaan Gobolada dhexe & Konfurta Soomaaliyed, waxeyna weli wadaan olole balaaran oo lagu ugaarsanaayo Waxgaradka, aqoonyahannada Culimada & Odayaasha Dhaqanka kuwaasoo dilal qorsheysan & ineycabsi gelin si loo barakiciyo biri ma geydada ah, waxeyna ololahooda ku kordhiyeen xiliyadaan dambe iney bartilmaameedsadaan qabuuraha dadka muslimiinta ah, iyagoo la sheegayo inay weli wadaan burburinta noocayada qabriyada mid dhisme dhagax ah & mid alwaax ahba ka samaysan, waxaana la sheegay in ujeeda la’aanta barnaamij siyaasad buuxin karan kaalinta xoog wax ku xalinta, tiiyoo jihaadkii uu galay duminta iyo burburinta qabriyaasha dadka Muslimka ah.
Burburintaan oo laga bilaabay Guricel, waxaana ku xigay Marka & Baraawe waxaana ugu damabeysey ayaa la soo sheegayaa inay ilaa shalay ka wadeen magaalada Baardheere, waxaana la sheegay in xalay iyo saakay ay degaanka ku dhow Jilib ay ka burburyeen 3 goobood oo qabriyaal ku yaalay, Dad badan oo qabridii ehelladooda ay kooxdu dumisey ayaa ka caroodey falalka kooxdaas oo qabrida ula dagaalamaya sidii Asnaamta la caabudo oo kale, marka ay duminayaanna waxaa ay akhrinayeen aayidihii Nebiga CSW uu akhrinayey markii Sanamyada Xaramka Makka la burburinayey. Waxaana is-weydiin mudan ujeedada ka dambeysa naceyd intaasi la’eg oo loo qabo Culimada dariiqooyinka suufiyada oo qarniyaal si nabad ah u faafinaayay waxey ay aamisan yihiin.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment