Diyaarad Saanad Siday Oo Liboya Ka Degtay
Wararka naga soo gaaraya degaanka Qooqaani ee xadka Somaliya & Kenya ayaa sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay degaanka Liboya ka jiraan dhaqdhaqaaq xoogan & abaabul kaaoo ay wadaan xubno ka tirsan Maamulka degaanka Gaarissa & saraakiisha Ciidamada Kenya, iyadoo la sheegay in diyaardo hub u sida xoogaga maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay ka soo degaan garoonka macmilka ah ee degaanka.
Wararka aya sheegaya in ilaa 10-tan oo rasaas iyo qoryo gacmeed iyo baasukayaal sidoo kale waxaa kunoocyada kala duwan ee Hoobiyayaasha, saanadaan ay waday diyaaradahaani ayaa loo qeybiyay Maleeshiyaad dhowaan lagu uruuriyay degaanka Amuume oo u dhow xadka Kenya iyo kuwo dhowaan ay isku keeneen Horjoogayaasha Raskambooni, waxaana la sheegay in qeybo kale loo qaaday degmppyinka Badhaadhe & Afmadow, kuwaasoo lagu wado iney dhowaan ka qeyb qaataan dagaalada ka socda duleedka Kismaayo una dhexeeya Mucaskarada Raskambooni Caanoole oo dhinac ah & Maleeshiyaadka Shababka iyo kuwa Beleedka.
Wararka ayaa intaasi raaciyay in Sheekh Axmed Maxamed Islan (Madoobe) & Sheekh Ibraahim Shukri oo maalmihii ugu dambeeyay, iyadoo sidoo kale ay dhowaan halkaasi gaareen Gen.Cabdi Mahdi iyo Faarax Macallin iyo xubno kale waxeyna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo difaaca degaanada ay duulaanku ku yihiin Shababka & Maleeshiyaadka Shababka.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment