Hoyga Sheekh Cumar Iiman Oo Maleeshiyo Gaartay
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxii hore ee Xisbul Islam Sheekh Cumar Iimaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa hoygiisa la gaarsiinayay fariimo hanjabaad dil xambaarsan, iyadoo khadadkii talefonada gurigaasi laga dhigay howl gab kadib markii ay aad u tiro bateen hanjabaadaha, kuwaasoo la sheegay iney ka soo gaareen maleeshiyaad daacad u ah Horjoogayaasha Xisbul Islam.
Xogtaan ayaa tilmaamtay qaar ka mid ah Horjoogayaasha Xisbul Islaam ay aad u saluugeen xiriirka ugubka ah ee maalmihii ugu dambeeyay ay yeelanaayeen Horjoogayaasha Shababka & Dr.Cumar Iiman, taasoo la sheegay iney aad uga careysiisay maleeshiyaadka uu Madaxada ka yahay Xisbul Islam Xasan Daahir, Waxaa xalay maqribyadii lagu xoojiyay ilaaladii horey u joogtay Maleeshiyo kale oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka kana tirsan Shababka guriga uu wadaadku ka dagan yahay Muqdisho, waxaana ilaa iyo hada lagaran karin imaatinka Maleeshiyadan faraha badan ee soo hujuumay wadaadka isagoo la"sheegay in xiligaas uu ku maqnaa Afgooyo oo uu la jiray Sheekh Xasan Dahir.
Sida ay inoo sheegeen qaarkamida ururka Xisbul islaam masuuliyiintooda waxaa sheekha ay baryahan aad isugu dhawaayeen Al-shabab oo ay kaga dhawaayeen Sheekh Xasan Dahir balse hujuumkan ciidan ayaa muujinaya in labada urur in ay shakiyo badan soo kala dhexgaleen iyadoo horey loo dilay mas"uuliyiin kamida Xisbul Islaam.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment