Bosaso Oo Maclimiin Lagu Xiray
Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya inMaleeshiyaadka Argagixisada la-dirirka ee Puntland ku xiray sarkaal ka tirsanaa jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso, sidaay sheegeen hawlwadeenada jaamacada, horey ayaa loo xiray macaalin kale oo ka tirsan Dugsiga sare ee Al-Xamdaan ee Bosaso.
Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Samatar oo loo yaqaano “Jeega Hool” oo ka tirsanaa qeybta xiriirka caalamiga ee jaamacada Bariga Afrika ayaa laga soo qabtay xarunta jaamacada gelinkii dambe ee shaley iyadoo aaney jirin wax faahfaahin ah oo laga bixiyey xarigiisa.
Laakiin hawlwadeenada jaamacada oo ka walaacsan xariga Maxamuud Samatar ayaa sheegay in xariga loo maleynayo arimo dhinaca amaanka ah, isla markaana laga war sugayo baaritaan ay wadaan Maleeshiyaadka.
Warar si hose ku soo gaaray ayaa tilmaamaya in Maxamuud Samatar wax laga weydiinayo waxyaabo ku saabsan inuu xiriir la leeyahay kooxaha ka dagaalamaya Koonfurta Soomaaliya, waxaana lagu hayaa saldhig aan la shaacin oo hadda su’aalo lagu weydiinayo.
Maxamuud Samatar “Jeega Hool” waxa uu ka mid ahaa masuuliyiinta aadka u firfircoon ee jaamacada Bariga Afrika oo lafuray sanadkii 2000.
Xarigan ayaa noqonaya kii labaad todobaad gudihiis waxaana Maleeshiyaadka ee PIS ay qabteen welina hayaan Macalin Cali Guray oo ahaa macalin wax ka dhiga dugsiga sare ee Sheekh Xamdan ee magaalada Boosaaso, kaasi oo isaguna aan wax faahfaahin ah laga bixin xarigiisa.
Warar ku dhow saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in ay jiraan hawlgalo si hoose u socda oo amaanka ku saabsan kuwaasi oo lagu beegsanayo dadka laga shakiyo, iyadoo dhowaana waaxada amnigu ay ka digtay falal amaandari oo ka dhaca magaalada Boosaaso.
Waxaa sidoo kale labo todobaad ka hor magaalada Boosaaso lagu qabtay kulan ku saabsan amaanka oo dadka lagu wacyigelinayo, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen masuuliyiinta maamulka ee hay’adaha amaanka



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment