Home | Sports | Shababka Oo Howl Gal Ka Fuliyay Ceel Baraf

Shababka Oo Howl Gal Ka Fuliyay Ceel Baraf

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Ceelbaraf Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Shabaab ay galeen dhulka Howdka ah ee ku xeeran Ceelbaraf halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay xarun u ahayd Macalin Daahir, kadib markii shalay ay hub fudud ka heleen ceel ku yaal degaanka & guryo gaar loo leeyahay.

Waxaana la sheegay in shalay aroortii ay Maleehsiyo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay isku gadaameen degaanka kadibna ay gur-guri u baareen, waxaana la sheegay in hub u badan qoryo gacmeedyo nay ka heleen ceelka magaalada, Maleeshiyadani ayaa ku raad joogtay Macaalin Daahir Calasow madaxii MMI ee Gobolka Sh/dhexe, waxaana la sheegay in Taleefanka Gacan qaadka ah ee Macalinka uu Hawada ka maqan taas oo muujinaysa in laga Eryay degmada Ceelbaraf maadaama ay halkaas joogaan xoogaga Shabaab.

Xiriiro ay la samaysay deegaanka Ceelbaraf ayay ku ogaatay in Macalin Daahir ay Weerar lagu khaarijin lahaa ay ku qaadeen Xoogaga Shabaab Xilli uu Sheekhu ku jiray Aroos oo maalmo ka hor uun uu guursaday.

Deegaanka Ceelbaraf weli waxaa ku sugan Xoogaga Al Shabaab oo siweyn u Mucaaradsan dowladda islarmarkaana Gaalo raacyo ku sifeeya cid kasta oo la shaqaysa Dowladda.

Macalin Daahir ayaa kasoo jeedo Ceelbaraf iyo Mahadaay laakin wuxuu Awoodi waayay in uu difaacdo deegaanadii uu kasoo jeeday taas oo keetay in Howdka lagu Ugaarsado.

Mas’uulkan kasoo jeedo Gobalka caanka ah wuxuu ku caan baxay in uu ku Noolaado Buuralayda Ceelbaraf halkaas oo uu dhowr mar ku galay Aroos, si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in Shabaab ay faah faahin ka bixiyaan Baacsiga ay ku hayaan Mudane Daahir Calasow.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0