Ma Dhabaa In Horjoogayaasha Xisbul Islam Laga Diyaariyay Warbixino?
Warar laga helay ilo muhiim oo ku dhow Laanta iclaamka ee maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegaya in la dhameystirtay isku aadinta iyo tarjumida Codad ay leeyiyihiin Sh. Xasan Daahir Aweys, Sheekh Xasan C/laahi Xersi (Turki) iyo Sheekh Axmed Maxamed Islan (Madoobe) kuwaasoo xambaarsan hadalo ay wadaadadu warbaahinta & iyo kale uu siyeen kuna sheegeen in halganka ay wadaan uu ku saleysan yahay xukun raadis, Madaxweynihii hore ee Cabdullahi Yuusufna ay isku hayeen xukun oo uusan khilaafkoodu la xiriirin wax diin ah.
Codadkaan laga qabtay Wadadaani ayaa xambaarsan hadalo ay ku mucaaradeen xilyo kala duwan howlgalo ay fuliyeen Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Shabaabka gaar ahaan duulaamadii ay ku qaadeen Guriceel iyo Gobolada Dhexe intii aysan soo muuqan kooxda Ahlu Sunna, dagaaladii Kismaayo iyo hadalo kale oo iska hor-imaanaya ama is-burinaya. Warbixitaan ay Horjoogayaasha ka diyaariyeen Wadaadaani ayay noo xaqiijiyeen xogo lagu kalsoonaan karo, waxeyna sheegeen in hadaladaani la uruuriyay isla markaasna loo tarjumay af-carabi, si hagaagsana loo diyaariyay dhowaan loona gudbin doono Hogaanka sare ee Al-qaacida si ay talo uga bixiyaan, isla markaasna uga soo saaraan Fatwo hadiiba uu heshiis la galaan Dowalda Sheekh Shariif, ama ay ka weecdaan halganka loogu jiro sidii dalka loogu xukumi lahaa Kitaabka Alle & Sunnada.
Laanta iclaamka ee Shabaabka ayaa warbixinadooda lagu sheegay iney ku jiraan hadalo is-burinaya horay uga diyaariyay Madaxweyne Sh Shariif kadibna banaanka u soo saaray markii Madaxweynuhu ka weecday wadadii Shabaabku rabeen, taasoo ugu dambeyntii loo helay fatwo ka timid Usaama Bin Laadin oo gaalaysiisay Madaxweynaha, amartayna in lala dagaalamo.
Warbixtaan ayaa shalay loo gudbiyay Sh.Aweys wilina kama qaadan go'aan kama dambeys ah oo uu ku kala dooranayo Shabaabka iyo Dowlada, inkastoo kulamadii shalay ay la yeesheen qaar ka mid ah Horjoogayaasha Shababka aan la heynin jawaabta ka soo baxday,hadana waxaa la sheegay iney ku wargaliyeen warbixinta ay ka diyaariyeen iyadoo cododka ah iyo dhibka uga imaan kara mustaqbalka dhow iyo inuu ku socdo wadadii uu maray Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay ku tilmaameen inuu ridoobay.
Horjoogayaasha Shabaabka Laanta iclaamka & Barabaganada ayaa macluumaad badan ka keydiyay Madaxdii ay ku wada jireen Midowga Maxaakimta, Macluumaadkaas oo loo adeegsanayo dagaalka Mediyaha xiliga Masaalixdu iska hortimaado, wuxuuna qeyb ka yahay dagaalada loogu jiro sidii dalka Imaarad Islaam ah looga hirgelin lahaa.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment