Poll: Like Our New Look?
Do you like our new Vivvo look & feel?
Home | Sports | Xildhibaanada Barlamanka oo Maanta Shir ku Yeeshay Xarunta Golaha Shacabka Muqdisho

Xildhibaanada Barlamanka oo Maanta Shir ku Yeeshay Xarunta Golaha Shacabka Muqdisho

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Xildhibaanadii sheegay in dhawaan xilkii ay ka qaadeen Guddoomiyaha Barlamanka ayaa manta Kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

 Kulanka manta oo uu shir guddoominayay Madoobe Nuunow Maxamed oo xil dhibaanadaasi u doorteen Guddoomiyaha Barlamanka ayaa waxaa lagu soo ban dhigay Musharixiinta u taagan Jagada Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad oo jagadaasina  sida ay sheegeen hore ay uga qaadeen Cabdiweli muudeey oo ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka.

 Musharixiinta xilkaas u taagan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Dhalxa, Mowliid Macaani iyo shan xubnood oo kale kuwaasoo midba uu mar barlamanka ka hor sheegayo wax qabadkiisa.

 Xildhibaan maxamuud oo ka mid ah Ragga Jagadaas u taagan oo manta ka hadlay Fadhigaas ayaa ka war bixiyay waxa uu qabanayo haddii xildhibaanadu u doortaan Guddoomiye ku xigeen.

 Gaba gabadii Kulanka ayaa waxaa ka hadlay Madoobe Nuunoow isagoona sheegey in maalmaha soo socda ay soconayaan dhagaysiga ay dhagaysanayaan war bixinada ay soo gudbinayaan Xildhibanada Mushariiinta ah ee u taagan xilkaas.

 Madoobe Nuunow ayaa u mahad celiyay Xildhibanada Barlamanka isagoona sheegey tan iyo  markii ay xilka ka qaadeen Shariif Xasan in kulamadoodu ay ahaayeen kuwo Xiriir ah oo aan marnba baaqnanayn.

 Lama oga Khilaafka Barlamanka waxa uu ku dhamaan doono iyadoo ayna jiraan Ajandhayaal dhowr ah ooh or yaala barlamanka mushkiladduse ay tahay ciddii ku fariisin lahayd Kursiga Guddoomiyaha hoggaamina lahayd Fadhiga Barlamanka iyadoo Barlamankuna u qaybsan yahay illaa laba Garab.

 Si kastaba kala tagnaanshaha barlamanka ayaa waxaa hore uga hadlay Ururka Midowga Afrika, IGAD iyo Beesha Caalamka iyagoona loogu baaqay in ay dhameeyaan khilaafkooda taasoon lagu guulaysan.  
Download attachment Download attachment >> madoobe_912749001.jpg

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0