Gadisleyda Jeebweynta Oo Diyaariysay Qorshe Lagu Burburinaayo Xukuumada
Muqdisho,09-March-2009:-Kadib markii Dowlada Midnimada Qaran lagu soo dhisay magaalada Jabuuti, Xukumaadani oo magac ahaan ay hormuud ka yihiin Xoogag Islaamiyiin ah, kuwaasoo shuraako kula noqday Gadisley u bartay iney boobaan dhaqaalaha yare e Qaranka, sanadihii ugu dambeeyay ka macaashay lacagaha deeqaha, iyadoo Xubnahani uu hadda horsed ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan, durbadiiba dhisay taageerayaal isaga daacad u ah oo hirgeliyay mashruuciisa ku dhsan damaca, kaasoo ay horey taageerayaasha Col.C/laahi Yuusuf weli maankooda ka go’ la yahay baadkii uu ka qaatay, Soomalida ayaa horey u sheegtay "Col ku dil Tuugo Kuu Ciidamisay"
Shariif Xasan ayaa hadda la sheegay inuu yahay maskaxda ka dambeysa siyaasiyiin u dhaqma sidii buracad badeedka oo kale, wuxuuna Xukuumada cusub ee Dr.Cumar C/rashiid u diyaariyay shirqoolo oo u maleegay taasoo uu ku doonaayo inuu wixii magaco xumo ah uu la dheelmado Ra'iisul wasaaraha Dowalda, dheefta laga macaasho dhaca ay qeybsadaan Taageerayaashiisa. Dhowaan ayuu si hoose ugu sheegay Prof.C/maan Ibbi inuu bilaabo qorshahaasi kadib markii uu iclaamiyay inuu dagaal ku qaadaayo saxaafada magaalada Muqdisho, si bulshada Soomaaliyeed ugu mashquulaan in dowladani aysan waxba dhaamin tii ka horeysay oo ku dhameysatay is-qabqabsi & dhaqaale uruursi.
Qorshahaani wajigiisa labaad ayaa la sheegay in loo xil saaray Cabdirisaaq Cusmaan Juriile (Wasiirka Boostada & isgaarsiinta) oo ilaa dowladii Siyaad Barre ku caan baxay dhaca, Booba & bililiqada hantida Qaranka, wuxuuna qeyb weyn ka soo qaatay mashruucii FAI (Fondi Aiuti Italiana in Somalia) oo lagu boobay 400 milyan US$ horaantii sanadihii sideedmaadkii, waxaana xigay markii Prof.Cali Max’ed Geedi ay iskubaheysteen sidii ay u booby lahaayeen dhaqaalahii Xukuumadii Imbagati, taasoo ka careysiiyay Col.C/laahi Yuusuf kadib markii lagu qadiyay go’aan ku gaaray inuu ka saaro Golaha Wasiirada Agoosto 2007, Khabiirkaan ayaa hadda la sheegay inuu masraxa ku soo celiyay wakiilka Talyaaniga isagoo u soo maray Shariif Xasan.
Tan ugu darran waa qorshaha qarsoodiga ah ee Shariif Xasan kula midoobay Prof. Jurille oo hadda u muuqda ninka diyaarin doona miisaaniyadda dowladda isla markaana daaha gadaashiisa ka maamuli doona wasaaradda Maaliyadda ee ay ku soo dhici doonto dhaqaalaha dowladda cusub la filayo inay ka hesho dalalka carabta iyo kuwa deeqaha bixiya ka sokow wasaarada uu xilkeeda hayo.
Waxaa la oran karaa awoodda iyo ilaalinta Shariif Xasan oo lagu daray qalinka iyo qorshaha Prof. Jurille laguna kabay qeybta Prof.Ibb & Wakiilka Talyaaniga, waxay xukuumada Cumar C/rashiid iyo dowladda Shariif Sheekh Axmed dhex uga dhacday Gadisley jeebweyn ah oo qalin shubato kuwaasoo ku midoobay iney boobaan dhaqaalaha & deeqaha laga filan karo iney ka yimaadaan Jaamacadda Carabta, EU-da & UN-ka, waxeyna sabab u noqon karaan inuu burburkeedu ka yimaado dhexdeeda inta aan la isla gaarin dhinacyada ka horjeeda.
Xubnahaani oo loo madax baneeyo arrimaha dhaqaalaha,sida Wasaaradaha Maaliyada, Lacagta Boostada, Dekadaha waxeyna horseedi karaan ugu yaraan iney u afduubnaato hanaanka dhaqaale ee Xukuumada, iyadoo ay haboonaan laheyd in la magacaabo wasiir ku xigeeno aan ku dhinac ahayn xulafadani oo la soo xulo, si ugu yaraan ay u carqaladeeyaan qorshyaasha guracan ee Gadisleydaani. Ugu dambeyntii waxaa rajada ugu weyni ay tahay in madaxda sare ku baraarugaan gadisleydaani oo dantooda ka hormariya mid guud, diyaarana u ah iney dhacaan dhaqaalaha dekada Muqdisho & deeqaha shisheeye, inta lagu mashquulsan yahay dib u heshisiinta Ururada hubeysan ee Islaamiyiinta ah, (Baadida Ninbaa kula day dayi Daalna kaa badane oo in aad hesho doonaheyn Daa´im abidkaaye).



del.icio.us
Digg
Comments (1 posted):
Post your comment