Home | General | Maxaa Ka Jira In Gacmadheere & Max'ed Dheere Loo Xushay.

Maxaa Ka Jira In Gacmadheere & Max'ed Dheere Loo Xushay.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] oo uu wehliyo wasiirka warfaafinta, dhallinyarada iyo isboortiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa shalay si lama filaan ah uga dhoofay Soomaaliya, waxeyna safar aan la sii shaacin ku tageen magaalada Neyroobi halkaasoo la filaayo inuu kulamo kula qaato Wakiilada Beesha caalamka qaarkood, isagoo laga yaabo inuu u gudbiyo warbixino la xiriira xil ka qaadistiisa & xubnaha loo xushay iney bedelaan.  

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Col.Nuur Cadde uu xaqiiqsaday inuu jiro mooshin dhan ka ah o uu maleegaayo Col.C/laahi Yuusuf isagoo kaashanaya Xildhibaanada Kooxda Imbagati, waxaa sidoo kale oo sheegay in Xilka uu hayo loo wado inuu qabto Mr.Max’ed Max’uud Gacmadheere ama shaqsi kale, halka warar aan la xaqiijin ay sheegayaa in Hogaamiye Kooxeedka Max’ed Dheere isna loo wado inuu qabto jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha. Kulamadaani kadi ayaa la filayaa in Col.Nuur Cadde uu gaari doono dalka jabuuti si uu kulammo gaar ah ula soo yeesho madaxda Isbahaysiga dib U Xoreynta Soomaaliya oo halkaas ku sugan, .

Safarka Col.Nur Cadde ee uu kaga ambabaxay Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu jiro mooshin xildhibanno ka tirsan Baarlamaanka diyarinayan, taas oo warar la xaqijiyay ay sheegayaan inuu gadaal ka riixayo Col. C/laahi Yusuf oo aan la dhacsaneyn howlaha dowalda iyo siyaasdiisa.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
5.00
Powered by Vivvo CMS v4.0