Dayniile Oo Ka Bilaawday Qax Cusub.
Muqdisho 30 Juun:-Inta badan dadkii degenaa Degmada Dayniile ee Gobolka Binaadir ayaa bilaabay iney ka qaxaan guryahooda kadib markii ay ka war heleen warar sheegaya in Howlgalo mideysan ay qorsheynayaa iney ku baaraan Dayniile Maleeshiyaada Imagati oo kaashanaya Ciidamada Ethiopia.
Goobaha dadkaan ay ka barakaceen waxaa ka mid ah deegaanada raadarkalagagaarka wasaaradha Gaashandhigga iyo deegaano kale oo hoosyimaada degmada Dayniile,waxaana dadkaan maanta barakacay ay u badnaayeen haween, Caruur iyo dad da’ah kuwaa soo inta badan u barakacay nawaaxiga magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadkaanka barakacay degmada Dayniile ayaa sheegay in hadii ay yimaadaan maleeshiyaadka Kooxda Imbagati ay cabsi ka qaba in ay weerar ku soo qaadaan xoogaga Kacdoonka joogitaanka Ciidamada Ethiopia iyo siyaasada Kooxda Imbagati iyadoo Weerarada iyo qaraxyada kadhanka ah Ciidamada Ethiopia iyo kuwa shisheeye ay wax yeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah. Degmada Dayniile ayaa waxa ay aheyd meel ay dadku ku barakaceen hasa haateen maanta ayaa degmadaasi waxaa ka socda barakicii ugu xooganaa,waxaana dadkaan qaar ay sheegeen in ay aadaaan deegaanka Ceelasha biyaha yee gobolka Sh/Hoose. Falkaan barakaca ah ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Shalay Afhayeenka Maleeshiyada Kooxda Imbagati C/laahi Bariise uu sheegay in degmada Dayniile ay geyn doonaan Maleeshiyaad iyo Ciidamo Ethiopian ah, kuwaasi oo baaritaano ka sameyndoona degmada Dayniile



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment