Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Kooxda Imbagati.
Muqdisho 30 Juun:- Warar lagu kalsoon yahay oo laga bhelay ilo muhiim ah oo ku dhow Waaxda Arrimaha gudaha ee Kooxda Imbagati ayaa sheegaya in Khilaaf xooga uu soo kala dhex galay Xubanah ka tirsan Kooxdaasi kadib markii Madaxa Kooxda Col.C/laahi Yuusuf uu iskiis u magacaabay degaano ka tirsan Goblada Mudug & Galgudud, Xiisadaan oo salka ku heysa dib u habeynta degmooyinka iyo Gobalada dalka Soomaaliya.
Madaxa arrimaha gudaha ee Kooxda Imbagati Muuse Nuur Amiin ayaa Sharci darro ku tilmaamay Wareegto shalay kasoo baxday Col.C/laahi Yuusuf Madaxa Kooxda Imbagati oo tilmaamaysay in Degaano katirsan G/gaduud iyo Mudug ay yihiin degmooyin. Muuse Nuur Amiin ayaa sheegay in wareegtada C/laahi yuusuf ay Tahay Sharci darro islamarkaana aan loo hugaansami doonin " wasaaradda Amniga iyo Gudaha oo aan Wasiirka ka ah ma gudbin wax codsi ah sidaas darteed waa Been Abuur Faaltafakeeshin ah" ayuu yiri Muuse Nuur Amiin, Dhinaca kale Xildhibaan Gacma Dheere oo ahaa madaxii arrimaha gudaha hadana ah Xildhibaan ayaa sheegay in Wareegtadii Col.C/laahi Yuusuf ay ahayd Sharci loona baahanyahay in la qaato Amarka C/laahi Yuusuf " waan ka xumahay in wasiir uu diido Go'aanka Madaxa Kooxda go'aankaas waa Sharci oo wasaaraddii hore ee arrimaha Gudaha ayaa soo jeedisay" ayuu yiri Gacma Dheere. Khilaafkan ayaa kusoo beegmayo iyadoo ay Xoogaga Kacdoonku ay lawareegeen inta badan Gobalada dalka Soomaaliya waxayna arintan u egtahay mid maaweelo ah.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment