Xoogaga Kacdoonka Oo La Wareegay Hubkii Yuusuf Daba Geed.
B/weyne 30 Juun:- Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xoogaga Kacdoonka Soomaaliya ee wali gacanta ku haaya Magaalada B/weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay Hubkii uu lahaa Hogaamiye Kooxeedka Yuusuf Dabageed.
Xoogaga Kacdoonka oo Magaaladaas ka sameeyay Howlgalo ayaa ugu dambeyntii waxay ku soo heleen Gaadiid dagaal iyo Hub fudud oo ay horay Ciidamada Ethiopianka kala wareegeen Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, isla markaana dib ugu celiyay Beeshiisa. Hubkan oo ahaa mid ay Ciidamada Ethiopia u dhiibeen Ganacsade caanka ah Magaalada B/weyn oo ay isku heyb ahaayeen Yuusuf Dabageed ayaa Saraakiisha Xoogaga Kacdoonka si nabadgelyo ah ula wareegeen. Ilaa afar baabuurta dagaalka ayaa la sheegayaa iney la wareegeen, kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa Gaari kuwa raaxada ah oo uu ku socon jiray Yuusuf Dabageed. Sidoo kale Gaari kuwa Landcruser-ka loo yaqaan ayay la wareegeen, kaasoo sida la sheegay uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Cumar Dheere.
Ciidamada Xoogaga Kacdoonka ayaa Magaalada B/weyn ka wada howlgalo ay amaanka ku sugayaan, waxaana fariisin ay ka dhigteen Goobihii Maamulka Gobolka Hiiraan ku howl galayay. Maamulkii Kooxda Imbagati ee Gobolka Hiiraan ayaan la ogeyn halka ay jaan iyi cirib dhigeen, tan iyo markii Ciidamada Ethiopia ay labo cisho ka hor isaga baxeen Magaaladaas iyo Gobolka oo dhan, waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan iney ku sugan yihiin magaalada Ferfer ee Kilinka shanaad ee Ethiopia.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment