Qabanqaabo Loogu Jiro Xalinta Khilaafaadka Isbaheysiga.
Jabuuti 30 Juun:- Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim oo ku dhow Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliya ayaa sheegaya in shir lagu xallinayo khilaafkii soo kala dhex galay madaxda isbahaysiag iyo xubno ka tirsan Isbahaysiga lagu qabanayo magaaladda Sanca ee wadanka Yaman.
Shirkan oo ay soo abaabuleen xubno ka tirsan Isbahaysiga iyo xubno taageeriyaal ah iyo Ganacsato, ayaa Xubnaha dhexdhexaadinta waxa ay gaarayaan illaa 10-xubnood, waxaana kamid ah Xubnahaasi :-
-Sh. Yuusuf Cali Caynte,
-Sh. C/laahi Sh. Nuur
-Sh. Bashiir Cadow Calasow
-Sh. C/laahi Xuseen Kaahiye
-Sh. Cabdi Maxamad Abtidoon
iyo xubno kale oo aanan weli inoo suuragelin in magacyadooda oo dhameystiran aan wada helno.
Shirka ayaa lagu wadaa inuu ka dhacaya Wadanka Yeman ama magaalada Ceelbuur Soomaaliya hadii la isla oggolaado midood, waxaana lagu wadaa iney goob joog ka noqon doona xubno muhiim u ah oo ka socda Xoogaga Kacdoonka, kuwaasoo uu hogaaminayo Sh. Maxamud Sh Ibraahiim Suuleey, kana mid yihiin
-Sh. Xasan Dheere
-Sh. Cumar Garweyne
-Sh. Yuusuf Tuurxume
-Mr. Abuukar Suryare
-Mr. Maxamuud Cabdi Camey
-Sh. Khaliif Warsame Cadale -Iyo xubno kale.
Hogaanka sare ee Isbaheysiga ayaa lagu wadaa iney dhowan gaari doonaan Yaman ama Ceel Buur, ayaa hogaaminaaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka mid ah sida xotgu sheegeyso,
-Sh. C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow)
-Ugaas Axmad Bile
-Mr.Axmad C/laahi
-Dr.Daahir Maxamuud Geele
Dhinaca Isbaheysiga Asmara garabka Eirtrea kusugan ee halkaasi ka imaanaya waxaa iyana kamid ah :-
-Sh. Cumar Iimaan Abuubakar Madaxa Ergada
-Sh C/laahi Cali Xaashi
-Mr. C/fitaax Maxamed
-Mr. Ismaaciil cadow
-Sheekh Xasan Mahdi.
Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro khilaafka soo kala dhexgalay Hogaanka sare Isbahaysiga iyo xubno ka tirsan Isbahaysiga, iyadoo sida ay wax ku socdaan ay tahay in la xaliyo khilaafka u dhexeeya dhinacyadaan oo qayb ka ah Isbahaysiga. Qodobada sida wayn looga doodi doono ayaa laga codan doonaa dhinacya iney qolo walba ay soo gudbiso qodobada ay saluugeen iyo sida xal loogu heli karo ama xalka iyo sida ay u aragto halkaasina lagu soo afjaro khilaafkii xooganaa ee iskabaheysiga.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment